Search

Xukuumada Somaliland Oo Si Rasmiya Ugu Dhawaaqay Bilowga Dhismaha Wado Laamiya Oo isku xidhayasa Berbera iyo Tog-wajaale Oo Baahi Wayn Loo Qabay

Hargeysa (Foore)- Wasaarada Hawlaha guud ee Somaliland ayaa shaacisay in la bilaabayo jidka dhismaha wadada isku xidhayasa Berbera iyo Tog-wajaale ee Berbera Corridor.

 

Arintaasina waxa shaaca ka qaaday Wasiirka Hawlaha guud Gaadiidka Iyo Guyeynta Somaliland Md. Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade), Wasiir ku xigeenka Hawlaha guud Cali Cabdi Saa’iq iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradaasi oo maalinta  si wada jir ah shir Jaraa’id ugu qabtay Magalada  Hargeysa.

 

Masuuliyiintaais ayaa  waxay sheegeen in dhismaha jidkan oo isku xidhaya Magaaladda Berbera iyo Wajaale uu ku sii xidhimi-doono Wado kale oo ka timaada dalka Itoobiya oo si rasmi ah u bilaantay.

 

Wasiir ku-xegeenka wasaaradda Hawlaha guud ee Somaliland Cali Cabdi Saa’iq oo ka hadlay shirkan jaraa’id ayaa sheegay in mashruucan lagu dhisayo waddada Berbera Corridor uu maanta bilaabay waxaanu yidhi “Mashruucani waaa uu bilaabamay waxaanu socon doonaa muddo marka uu dhammaadano waanu shaacin doonaa sidda aanu bilawgiisaba u shaacinay”.

Wasiirka hawlaha guud Axmed Cabdi Xaabsade oo halkaasi ka hadlay ayaa beeniyay warar dhawan soo baxay oo sheegayay in la iibiyay guryo ay Dawladu leedahay oo ku yaala Magaalada Hargeysa, waxaana waxana uu yidhi  “Haddii guryahaa dawlada ee deyrka loo samaynayo ee dayactirka loo samaynayo , waxa aanu dadka heshiis kula galaynaa haddana in aanay sheegan karin , waxaa ay ka qabteen ee ay bilicda ku hagaajiyeen ma sheegan karaan, markaa dhulbaa la hagaajiyay iyo dhulbaa la iibiyay waa kala laba wax isleh maaha waxa aanu aad iyo aad ugu dadaalaynaa in arrintaas aanay dadka xajiin ah gelin , waxaad yeelaysaan warkaa ummada gaadhsiiya oo cadeeya in aan dhulka ku yaalla xaafada shacabka aan la ogolayn in la iibiyo” ayuu yidhi Wasiir Xaabsade.

Ku dhawaaqista bilawaga dhismaha jidkan Berbera Corridor ayaa ka dambeeyey Guddi loo saaray kulan ay dhawaan ka yeesheen Wasaaraddo ka tirsan Xukuumadda Somaliland kuwaas oo ay mid yihiin Wasaarada Boosaha iyo isgaadhsiinta, Wasaarada Arrimaha gudaha, Wasaarada Ganacsiga, Wasaarada Maaliyada iyo Wasaarada Hawlaha guud, waxana la filaya inuu Mashruucaasi wax wayn ka tari doono isu socodka Ganacsiada ee Labada dal ee Somaliland iyo Etoobiya.


Foore/Editor General

@Saddam Mohamed.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *