Xukuumada Somaliland oo sheegtay inay rusqadii Kala Noqotay Telefishanka HCTV

Hargeysa (Foore)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Caraalle (Duur) ayaa shaaca ka qaaday inay xukuumada uu ka tirsan yahay ay ruqsadii kala noqotay Telefishanka Horn Cable TV , oo xalay cawayskii ciidamada boolisku albaabada u xidheen xaruntii Telefishankaasi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa waxa uu sheegay in Telefishanka HCTV ay buun buuniyeen wax uu ugu yeedhay warar lidi ku ah danaha qaranka.
Md. Duur waxa uu sheegay in kiiska Telefishanka ay ruqsada kala noqdeen ay dacwadiisa gacanta ku hayso xeer ilaalinta guud dalku.
Wasiirka Daakhiligu wuxuu ku dooday in aanay xukuumadiisu taako dhul ah dib uga soo qaadin ciidamadii qaranka ee ku sugnaa jiida hore ee xuduuda Somaliland.

Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay Weriyeyaal maanta lagu xidhay saldhiga dhexe Hargeysa waxaanu sheegay inay dhigeen mudaharaad aan fasax loo qaadan.
Md. Maxamed Nuur Caraalle wuxuu sheegay in Weriyeyaashaasi qaarkood la qabtay iyagoo hub sita isla markaana ay baadhis ku wadaan ciidamada Boolisku.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf, ayaa isaguna si adag u cambaareeyay tallaabada albaabada loogu xidhay Xaruntii HCTV, waxaanu arrintaasi ku tilmaamay dhacdo ugub ku ah dalka oo ay xukuumadani soo kordhisay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *