Search

Xukuumada Somaliland Oo Markii Ugu Horaysay Golaha Wakiilada Hor Keentay Xeerarkii Maaliyada

Waxa Xeerarkaasi Muhiimka Ah Golaha Laga Sugayay Tan Iyo Xukuumaddii Madaxweyne Cigaal

Hargeysa (Foore)- Xukuumada Somaliland ayaa taariikhda markii ugu horreysay Shalay waxa ay Golaha Wakiilada Somaliland u soo gudbisay xeerarkii Maaliyada oo ah xeerer muhiimad ballaadhan u leh qaranka muddo dheerna la sugayay in mar uun Golahaasi la hor keeno.
Xeerarkan ayaan wali tariikhda aan golaha wakiilada la hor la keenin waxaana la sugaayey in golaha la keeno ilaa markii uu dalka madaxweyne ka ahaa Alle ha U naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, iyada oo ay Golihii hore iyo kan maantuna in badan ku celcelin jireen in la keeno Golaha xeerarkaasi.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Zamsam Cabdi Aadan ayaa ku ammaanan arrinkaasi maadaama ay ka mid tahay masuuliyiinta sida weyn isaga xil saaray in xeererkani noqdaan kuwo kobciya nidaamkeena dawliga ah ee dhinaca Maaliyadda.
Xoghayha golaha wakiilada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo arintaasi warbaahinta u caddeeyey ayaa waxaa uu yidhi: “Waxaa maanta golaha wakiilada la keenay xeerar in badan la sugaayey ilaa markii uu dalka xukumi jiray Madaxweyne Cigaal.
Xeerararka Ay Xukuumaddu U Soo Gudbisay Golaha Wakiilada Waxaa Ka Mid Ah:
1. Xeerka Kastamada
2. Xeerka Qandaraasyada
3. Xeerka Cashuuraha
4. Xeerka Hanti Dhawraha Guud
5. Xeerka Ilaalinta Maaliyada Iyo Xisbaadka




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *