BREAKING NEWS
Search

Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Oo Xaqiijisay Arday Reer Somaliland Oo Lagu Afduubay Magaalada Muqdish

Hargeysa (Foorenews)- Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa xaqiijisay in tiro arday u dhashay Somaliland  ay ku xayiran yihiin Magaalada Muqdisho isla markaasina loo haysto Madax furasho.

 

Sidaaasina waxa sheegay  Wassiir ku xigeenka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Md. Cali Xaamud Jibriil oo maanta u waramayay Telefiishanka HCTV , isaga oo sheegay in arday madax-furashada loogu haysto Magaalada Muqdisho ay yihiin sida uu sheegay qaar iskood  u tagay halkaas, kuwaasoo aan u diwaangashanayn wasaarada.

 

Wasiir ku xigeenka oo arimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “ Arday ay wasaarada dirtay oo Muqdisho tagtay ma jiraan waxa ay ahaayeen qaar iyagu  iska tagay ,  anigu maan dirin iyagaaa iska tagay, wasaradu arday way u dirtay  Turkey, laakiin dhamaantood waxbarashadii ay ku jiraan,kama warhayno ardaydaas” ayuu yidhi wasiirku.

Mudane Cali Xaamud kama uu hadal waxa dadaala ama qorshe ah oo ay Xukuumada Somaliland ku soo samata bixinayso Ardayaasi uu xaqiijiyey in Muqdisho laga afduubtay.


17 arday  oo reer Somaliland ayaa madax-furasho ahaan loogu haystaa hotel ku yaalla Magaalada Muqdisho,kuwaasoo u xayiran lacago lagu yeeshay, iyada oo xaalada aad looga darinayo.


Foorenews/Hargeysa




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *