Search

Xujaajtii Somaliland Ka Tagtay Oo Ku Baxargosan Magaalooyinka Makka Iya Jidda Duulimaad La’aan Iyo Walaaca Heshiiska Ay Shirkadaha Diyaaraduhu Galeen.

Makka(Foore) – Xujaajtii ugu tirada badnayd ee reer Somaliland ee sanadkan waajibaadka xajka soo gudatay ayaa Magaalooyinka Makka iyo Jidda ugu Baxargosan duulimaad la’aan,waxaanay Masuuliyiinta shirkadaha diyaaradaha Somaliland ee halkan ka qaaday u sheegeen inay diyaarad heli karaan mudo bil ah dabadeed,arintaasi oo aad uga cadhaysiisay Xujaajta intooda badan.
War Xalay Wargeysa Foore ka helay Xujaajta ku sugan Magaalada Makka ayaa noo sheegay in xujaajtii reer Somaliland ee Sanadkan Xajka tagtay ay la ildaran yihiin Duulimaad la’aan kadib markii ay soo dhamaysteen waajibaadkii xajka,islamarkaana ay masuuliyiinta Shirakadaha Duulimaadyada Somaliland ku wargaliyeen inaanay wax duulimaad ah u hayn wakhtigan. warkan ayaa intaa ku daray inay shirkadaha duulimaadyadu ku wargaliyeen Xujaajta Somaliland inay sugaan Duulimaad mudo 26 cisho ah arintaasi oo aad uga cadhaysiisay Xujaaj badan oo ku sugan magaalooyinka Makka iyo Jiddah oo soo dhamaystay waajibaadkii xajka islamarkaana diyaar u ah inay ku soo guryo noqdaan dalkooda.
Xujaajta ayaa walaac weyn ka muujiyay heshiiska Shirkadaha Duulimaadyada Somaliland ay galeen ee ku saabsan daabulaada Xujaajta Somaliland,arintaasi oo ay u arkaan inay dhib ku tahay shacabka reer Somaliland ee sanadkan xajay oo ay keenayso arimo ay ugu horayso tan imika ka taagan Makka iyo Jiddah oo ay xujaajtu duulimaad la’aan ujoogaan. Xujaajta ayaa u sheegay shirkadaha duulimaadyada inaanay suuragal ahayn inay wakhti intaasi leeg ku sugnaadaan Sacuudiga maadaama oo uu kharash ku socdo oo ay u kiraysan yihiin huteelo,waxa ay si adag ula hadleen masuuliyiinta Diyaaradaha ka wakiilka ah ee xujaajta geeyay xajka waxaanay ka dhursugayaa go’aan kama damays ah oo ay u keenaan oo ku saabsan wakhti munaasib ah oo la helo duulimaad.
Haddii arintani sii socota oo ay masuuliyiinta Shirkadaha duulimaadyo deg deg ugu dabooli waayaan waxay ay keenaysaa khilaaf hor leh oo ka dhex qarxa Xujaajta,waxana suurtagal ah inay Xukuumaddu dhex gasho oo ay baadhitaan ku samayso sababta xujaajta hore looga soo qaadi waayay Makka,waxa jira masuuliyiin xilal culus ka haya Xukuumadda oo iyaguna ku jira xujaajtan Baxargosan ee duulimaadyada la,.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *