Xubno Ka Mida Garabkii Xisbiga UDUB Ee Uu Hogaaminayey Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Maanta Si Rasmi Ah Ugu Biiray Xisbiga Kulmiye + SAWIRO

Hargeysa (GNS)- Garabkii Xisbiga Udub Ee Uu Hogaaminayey Madaxwayne Ku Xigeenkii Hore Ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin Ayaa Maanta Si Rasmi Ah Ugu Biiray Xisbiga Kulmiye Kadib Markii Ay Kasoo Digarogteen Xisbiga Udub. 

DSCN8481 
Munaasibadaasi Oo Kadhacaday Xarunta Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Ayaa Waxa Kasoo Qayb Galay Madaxwayne Ku Xigeenka Jamuuriyada Somaliland C/Raxmaan C/Laahi Ismaaciil (Saylici), Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr: Xuseen Xoog, Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Cali Siciid Rayagal, Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Marwo Sam-Sam Cabdi Aadan, Xildhibaano Katirsan Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ay Kamid Ahaayeen Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan, Xildhibaan C/Raxmaan Taylaani, Xildhibaan,C/Laahi Xuseen Cige (Black), Xildhibaan C/Qaadir Xaamud Jaamac, Xildhiban Cali Gabiley Iyo Xildhibaan Miigane. 

DSCN8447

Ugu Horaynba Waxaa Munaasibadaasi Hadal Kooban Ka Jeediyey Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad Ee Xisbiga Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed Isaga Oo Ku Dheeraday Qodobada Ay Labada Dhinac Ku Heshiiyeen Waxaanu Yidhi “ Waxa Aanu Garabkan Maanta Nagusoo Biiray Isla Afgaranay Si Ay Ugamid Noqdaan Hogaanka Sare Ee Xisbiga Kulmiye Iyo Gudi Hawleedyadiisa Mudooyinka Soo Socda Ee Ololaha Doorashada Ilaa Iyo Shirwaynaha Kulmiye Ee Soo Socda Waxaanu Si Buuxda Afgarad Uga Gaadhnay Qaabka Iyo Hanaanka Ay Uga Hawlgalayaan Xisbiga 1- Waxaa Kamida Iyadoo Laraacayo Xeerarka Iyo Distuurka Xisbiga Kulmiye Uyaala Cid Alaale Iyo Cidii Katirsan Golaha Baarlamaanka Maadaama Ay Kulmiye Noqdeen Ay Toos Uga Qayb Galayaan Golaha Dhexe Ee Xisbiga. 2-Waxa Kale Oo Aanu Isla Garanay In Toban Xubnood Oo Gudiga Fulintaa Ee Kulmiye Ah Ragani Ay Kamid Noqdaan Oo Ay Kubiiraan Gudiga Fulinta Ee Kulmiye. 3-Waxaanu Isla Meeldhignay Oo Kale Sida Uu Qoraayo Xeerka Doorashada Qaranka Somaliland Oo Ukala Asdaysan Degmo Doorasho Iyo Gobol Doorasho Labadaa Ku Xadidan Inay Kamid Noqdaan Gudiyada Doorashada Dawladaha Hoose Kaqayb Galaya Inay Kamid Noqdaan Afar Xubnood Oo Xubnahan Inala Fadhiya Iyo Taageerayaashooda Kamida. 4-Waxanu Isla Afgaranay Maadaama Ay Dhaqana Tahay Xeer Xusbina Ay Tahay In Gudiyada Qabanqaabada Shirwaynaha Xusbiga Ay Kamid Noqdaan Iyagoo Markaa Inaga Mida” Mujaahid Maxamed Kaahin. 
DSCN8472 
Maxamed qaasin xaashi oo qayb ka ahaa gudigii gulinta ee xisbiga kulmiye oo kamida garabkan maanta kusoo biiray xisbiga kulmiye oo isaguna munaasibadaasi hadal koooban kasoo jeediyey ayaa yidhi “waxa weeyi su,aalo badan oo lays waydiinayo ayaa aan doonaya uun inaan inyar ka iftiimiyo waxa weeyi isbadka siyaasada ee meel inta laga tago meel kale latagaa waa wax soo jireen ah hadaanu ka tirsanayn xisbigii udub maantana aanu ku biirnay xisbiga kulmiye saxbaanu ku nahay taasi, taasoo aanu mudo badan ka fiirsananay xisbigii aanu udigo rogan lahayn sifiican baanu u garanaynaa xisbiga kulmiye isaguna wuu na garanayaa kulmiye waa ragii anagoo midigtaa ku haysana hogaankii iyo madaxnimadii qaranka intay naga dhirbaaxeen iyagu qaaray waananu garanaynaa waxay galaan iyo waxay gudaanba” Maxamed qaasin xaashi. 
DSCN8470 
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Oo Munaasibadaasi Hadal kooban kasoo jeediyey ayaa isaguna si wayn usoo dhaweeyay garabkan cusub ee kusoo biiray sheegayna xisbiga udub iyo kulmiye inay yihiin laba xusbi oo iskaga dhow xisbiyada kale waxaanu yidhi “Maanta markii xisbigii udub uu is khilaafay taas oo aanu aad iyo aad uga xunahay xisbigaa qaran ee wayni inuu bur-buro mar hadii aad xisbiga ka goosateen waxay ahayd tii inaga dhexaysay iyo intaynu siyaasada iskaga dhawayn ururada cusub iyo kuwa kaleba dee mar haday maanta timid yaa kuugu xigaa layidhaahdaa oo dee waynu isku lahayn waanad ku mahadsantihiin oo waad garateen, anaga iyo xisbiga udub waxan nahay laba xisbi qaran oo danta qaranka umada usoo hayay, waxaynu nahay danta qaranka dad soo maamulay, waxaynu nahay dad talo isku wareejiyey waxaynu nahay laba mataano ah oo dalka wada dhisaaya” Ayuu yidhi Muuse biixi. 
DSCN8468 
Gebagabadii munaasibadaasi waxaa isaguna hadal kooban ka jeediyey maxad wayne kuxigeenka Somaliland mudane c/raxmaan c/laahi ismaaciil saylici “runtii maanta farxad wayn bay noo tahay kulmiye ahaan iyo xukuumad ahaanba mar hadii walaalahayagii xisbigii bahwaynta udub garabkiisii garabkiisii midig ay garteen inay maanta nala midoobaan ama usoo digo rogtaan xisbiga kulmiye runtii farxad wayn bay noo tahay, alxamdulilaah baan leenahay, waxaan leeyahay walaalahay gacmo furan kusoo dhawaada, waxaan diyaar nahay dalkan iyo dadkan aanu anagu maanta hogaaminayno inaanu si daacada ugu shaqayno idinkuna aad nala dhistaan oo talo iyo tusaale nagu kordhisaan waxa layidhi gacmo wadajir bay wax ku gooyaane in intayadii kulmiye iyo intiina nagusoo biirtayba caqli iyo cilmi nagusoo kordhisaan oo dalka nala dhistaan oo afkaartiina nagu biirisaan waananu idinkusoo dhawaynaynaa sarxada siyaasada” Ayuu yidi c/raxmaan saylici. 
DSC09677 
Halkan ka Akhri Magacyada Shakhsiyaadka Kusoo Biiray xisbiga kulmiye :- 
Maxamuud siciid maxamed oo ahaa wasiirkii hore ee wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha 
Xasan daahir dhimbiil oo ahaa xoghayii Somaliland u fadhiyay itoobiya 
Cali axmed cali (cali yuufle oo ahaa agaasimihii guud ee wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha 
Abiib xasan filfil oo ahaa wasiirkii hore ee wasaarada ganacsiga 
c/risaaq waabari rooble oo ah wasiirkii hore ee hidaha iyo dhaqanka 
maxamed aw daahir ibraahim oo ka tirsanaa gudiga fulinta ee xisbiga udub 
maxamed cabdi daa,uud oo ahaa badhasaabkii hore ee gobolka maroodijeex 
maxamed muuse diiriye oo ah agaasimihii hore ee television-ka qaranka Somaliland 
xildhibaan c/qaadir jaamac xaamud oo katirsan golaha wakiilada Somaliland 
xuldhibaan xasan cawaale caynaan oo katirsan golaha wakiilada Somaliland 
xildhibaan cali gabiley oo katisan golaha wakiilada Somaliland 
xildhibaan miigane oo katirsan golaha wakiilada Somaliland 
xildhibaan xuseen cismaan oo kamida xildhibaanada golaha deegaanka ee caasimada hargeysa 
garyaqaan barkhad jaamac aare 
Maxamed qaasin xaashi 
DSCN8462 
 
 
DSCN8439 

DSC09666 
DSC09664 

DSC09684 
DSC09681[1] 
Foorenews/Hargeysa.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *