Xogtiisa Hay Ama Xantiisa- Cali Cabdi Coomay

Isaga oo yaabban ayuu iigu soo galay makhaayada aan caadi ahaan gelinka dambe shaaha ka fuudo. Salaan ay weheliso deg-deg badnaani ayuu igu bilaabay. Inkasta oo aanay muddo badani ka soo wareegin wakhtigii isugu kaayo dambaysay, haddana muuqiisa iyo maankiisuba wuu is-beddelay. Xannuun muu helin, oo wuu caafimaad qabaa, xaasna kumu qaylinayn oo maba leh, haddana muuqal ahaan jeexba kama joogo. waxa isugu darsamay xayraannimo iyo xoolo la’aan. Markii iigu dambaysay wuxuu lahaa Furfurnaan iyo dad-dhexgalka ay dhoola-caddayntu wehelisa ayaa wejigiisa xagga hore kaga qoran, markuu joogo goobaha lagu caweeyo.
Muddo ilbiliqidhsiyo ah ayuu ku bartaa dadka kala duwan ee ku caweynaya goobta, qaarkood markaba wuu la falgalaa, oo waxaad moodaysaa inay hore u ahaan jireen asaxaab isku dheer. Qaar ka mid ah dadka uu sida fudud isu-barayo ayaa markaba calaamad su’aal saara hab-dhaqankiisa ku salaysan in sida daadka qofka mar la wada dhexgela, oo waxa ay ku gaabsadaan inay hadallada iyo sheekada u soo gaabiyaan. Waa shakhsi hadal-dabacsan, oo aan weligii dadka kula hadal luuqad adag,dhaqankiisa ku salaysan miskiinimo, degnaan iyo aamusnaan ayaa la moodaa inuuyahay awliyo soo daahirtay, balse waa munaafaq ilaahay ka go’ay. Wuxuu aaminsanyahay in dadka lagula dhaqmo dhaqan qabow oo wata caddaawad qarsoon. Dastuurkiisu waa inuu dadka ku laayo dil aamusan, oo haddii aad arrin isku qabtaan oo ficil ay gaadho weligii ku xanaaqi maayo, oo hadal adag ama run cad ah kuu sheegimayo.
Weligii hadal run ah kuu sheegi mayo, markaad tidhaa maxaad balantii aynu lahayn u jartay wuxuu sheegayaa marmarsiyo amma hawl la soo daristay, laakiin been ah. Luuqada iyo erayada uu ku hadlayaa way wanaagsan yihiin, sida walaal, walaalo, fiican, maansha allah, ilaahay mahadi, al-xamdu li laah, bash bash iyo barwaaqo. Laakiin dhammaan kalmadani hoos uma dhaadhacsana, waa afka barkiisa oo cunaha kama daadagaan. Waayo salad, soon, sako iyo samofal toona midna shuqul kum laha. Waa ficihii sannad naga horreeyey jaamacadaha dalka, haysayeeshee aan shaqo helin tan iyo ilaa maanta. Weligii wuxuu aaminsanaa inuu dalkiisa ka shaqaysto oo aanu dibad iyo duni kale u hanqal taagin. Markii aanu wada shaahaynay, ayuu igu bilaabay su’aallo tog ah oo qaarkood aanan jawaab u helin. Saaxiib sow maad ogayn in aan jaamacadda dhammeeyey? Nacam ayaan ugu lab qaboojiyey, haddana xafiis kasta oo aan shaqo u doonto waan ka waayaa. Waxa laygu odhanayaa masuul hebel u tag, anna dhaqanka qofka wax lagu weydiisto ma lihi, ayuu ii raaciyey. Waxa aan ugu caqli celiyey in Ilaahay “SWT” bixiyo irsiqa, oo wixii Alle u qoray aanu marnaba seegayn, markaa taasi uu qalbiga ku hayo.
Wuxuu si niyad jab ah iigu yidhi” Saaxiib wasiir hebel maad ii geyn si uu shaqo ii siiyo”, waxa aan ugu af-celiyey” wasiirkaasi aqoon uma lihi, qof aanad aqoonna wax kaaga soo bixi garanmaysid.” Intuu kor u booday sidii qof mas qanniinay ayuu igu soo eegay weji ay weheliso cadho iyo calool xumo oo aabihii goblamey, ayuu igu yidhi” Islaan ayaa laga hayey, ninka xoogaasi lihi nintayda kamuu dhali waayine wuu hagranayaa, sidaasi oo kale saaxiib haddii aanad xogtiisa haynin, xantiisa miyaand hayn?. Markaasaan ugu qalbi qaboojiyey xog iyo xantoona uguma socono, ee shaqo ayeynu u soconaa, markaa haddii aanu inna garanaynayn iska daa in aynu shaqo kala hadlee, albaabka inaga furi maayo.
Intuu mark kale kor-u-booday ayuu yidhi” waar cid kastaa way ku taqaan, sowdigan hadh iyo habeenba Jaraa’idka ku yaalla, waad isku sheegaysaa uun”. Saaxiib cidda aan ahayn waa barashada hore iyo bilowga, hasyeeshee arrinta shaqadu way ka duwan tahay. Intuu kacay ayuu igu macalaameeyey indho fiiqan iyo cadho.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Calicoomay@hotmail.com




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *