Search

Xogo Xasaasi Ah Oo Laga Helay Hoggaanka Al-shabaab Oo Isku Mari La’ Inay Ku Biiraan DAACISH Iyo Halka Kulankoodu Hadda Ka Socdo

“Abu Cubeyda Oo Diiday Qorshe Ay Soo Jeediyeen Xubno Ka Mida Shuurada Al-Shabab, Dalab Labaad Oo Uga Yimid Kooxda Daacish Iyo Ballanqaad Dhaqaale Oo Miiska U Saaran”.

Muqdisho (Foore/W.Wararka)- Xogo cusub oo warbaahinta Caalamku ka heshay shirkii maalmihii ugu dambeeyey u socday Hogaanka Shuurada ee Kooxda Alshabaab ayaa tibaaxaya in Golaha Shuurada ee kooxdaasi wali isku mari la’ yihiin go’aan culus oo miiska u saran wixii ay ka yeeli lahaayeen kaasi oo ah dalab mar kale uga yimid kooxda DAACISH in ay ku soo biiraan. Shir labadii maalmood ee ugu dambeeyey ka soconayey Degmda Jilib ayaa lagu soo warramayaa in saraakiisha Al-shabaab arrintaas si weyn diiradda ugu saareen. Wararka ayaa intaas ku daraya in Hoggaamiyaha Al-shabab Abu-Cubeyda isagu shaqsi ahaan dooneyn in Al-shabaab xidhiidhka u jarto shabakadda Al-qacida kuna biirto Daacish, hase yeeshee in badan oo kamid ah saraakiisha xubnaha ka ah hoggaanka kooxda gaar ahaan Hogaanka Golaha Shuurada ayaa la rumeysan yahay inay arrintan u ololeynayaan kadib ballan qaad dhaqaale, Mid Loojistik iyo mid istaraatiijiyeed oo DAACISH u ballan qaadday Alshabaab haddii ay ku dhawaaqdo in ay ku biirtay. Al-shabab ayaa sannadkii 2012 ku biirtey Ururka Al-qacida oo isagu dhaqaale ahaan iyo awood ahaanba sii wiiqmayay marka la barbar dhigo Ururka Daacish ee ka arrimiya qaybo kamid ah waddamada Ciraaq iyo Suuriya, kuna sii fidaya dalalka Woqooyiga Afrika. Inkastoo fikirka jihaadiga ah ay ka siman yihiin, waxaa haddana jira khilaaf badan oo u dhexeeya Al-qaacida iyo Daacish. Arrimaha aanay isku aragtida ka ahayn waxaa kamid ah: shuruudaha gaaleysiinta iyo qaabka loola macaamilayo dawladaha ka jira caalamka Islaamka oo ay aragti ahaan aad ugu kala fog yihiin labada dhinac. Hoggaamiyaha Daacsih Abubakr Al-baqdaadi ayaa laba bilood ka hor baaq usoo diray Al-shabaab, isagoo ka codsaday inay kusoo biraan Daacish islamarkaana noqdaan wakiilka kooxdaas u jooga Geeska Afrika, halka dalab kale oo arrinkan la xidhiidhaa kooxdan soo gaadhay laba wiig ka hor sida xogo qarsoodi ah lagu helay. Daacish ayaa hore heshiis ula gashay ururro jihaadiyiin ah oo ka jira galbeedka iyo waqooyiga Africa, waxaana laga xusi karaa Ururka Boko Haram ee ka dagaallama dalka Nigeria iyo ururo kale oo ka kala jira dalalka Maqrib Al Carabi sida Tuuniisiya, Aljeeriya iyo Morocco.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *