Search

Xogo Tibaaxaya Dib U Dhac Ku Yimaad Shirka Golaha Dhexe Ee KULMIYE + Isku Daygii Xal-raadineed Ee M/Siilaanyo Oo Ma Dhalays U Muuqda

Garabka Guddoomiye Muuse Oo Ku Tagsan In Aanay Daqiiqad Dhaafin Mudada Shirku Iyo Madaxtooyada Oo Wali Dhexdhexaadin Aan Midho Dhalin Ku Mashquulsan

Hargeysa (Foore)- Iyada oo ay wali taagan tahay xiisaddii ka aloosnayd Khilaafka Xisbiga KULMIYE gaar ahaan Shirkiisa Golaha dhexe iyo qaabka qabanqaabada ayay soo baxayaan warar sheegaya in mudadii shirkaasi loo ballansanaa in uu ku qabsoomo in uu dib uga dhacayo muddo aan wali la cayimin.
Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo u dhuun-daloola khilaafka xisbiga KULMIYE waxa isa soo taraya xogo cusub oo tibaaxaya in khilaafka wali ka taagan xisbiga iyo xal la’aanta kulamadii ugu dambeeyey ka muuqdaa keenayaan in uu dib u dhac ku imanayo mudadii shirka oo ku beegan Salaasada Toddobaadkan.
Wararkan ayaa soo baxaya iyada oo kulankii ugu dambeeyey ee Madaxweyne Siilaanyo la yeeshay Guddoomiye ku xigeenka labaad iyo saddexaad ee xisbigaasi natiijo la’aan ku soo dhammaaday markii ay isku af-garan waayeen dhinacyada kulankaasi khuseeyey go’aammo midaysan oo laga qaato xal u helidda khilaafka taagan ee sii murgaya maalinba maalinta ka dambaysa.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa maalmihii ugu dambeeyey ku mashquulsanaa talo urursi ku saabsan sidii uu xal lagu wada qanacsan yahay uga gaadhi lahaa khilaafka cakiran si hab wada jir ah shirkaasi ugu qabsoomo kooxaha ku hirdamaya oo aan madasha shirka la gaadhin iyada oo sidan xisbigu u kala fadhiyo.
Dhinaca kale Hawshii qabanqaabada shirka ee ay gacanta ku hayeen Dhinaca Hogaanka Xisbiga KULMIYE gaar ahaan Garabka Muuse Biixi ayaa wali sidoodii u sii wata hawshii qabanqaabada oo meel wanaagsan u maraysa iyaga oo ku adkaysanaya in shirku ku qabsoomo maalinta loo muddeeyey iyada oo dhinaca kale ee isbahaysiga Musharraxiintu ku andacoonayaan in aan shirka la qaban illaa laga gaadho khilaafka taagan. Si kastaba ha ahaatee dib u dhac ku yimaadda shirka iyo in uu wakhtigiisa ku qabsoomaa waxa ay dhinac isugu lugo duwan doontaa go’aanka kama dambaysta ah ee uu arrinkaasi ka qaato Madaxweye Siilaanyo oo wali faro madhan ka jooga isku dayadiisii ugu dambeeyey ee xal u helidda Khilaafka cakiran.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *