Xogo Dhammays Tiran Oo La Xidhiidha Taariikhda Ku Duugan Baytal Maqdas, Qaybaha Uu Ka Kooban Yahay Masjidka Al-aqsa Iyo Mucjisooyinka Ku Lammaan

Arrintaan ayaa waxa ay daliil u tahay sida ay sheegayaan dadka baadha arrimaha Masjidka Al-aqsa in goobta loo yaqaan Al-jaamaca oo ah halka lagu oogo salaada jumcahaha iyo wadooyinka mara xaramka qudsiga aha iyo waliba geedaha ku beeran gudahiisa ay dhamaantood ay cuskanyihiin oo ay ku taaganyihiin darbiyada baabka Buaraaq.
Sidoo kale ay meesha Buraaq laga galo ay ku gaynayso Masjidka Al-aqsaa-gii hore iyo meesha lagu tukado oo loo yaqaan AL-marwani iyo waliba Al-baabka loo yaqaan Al-raxma.
Al-baabka Buraaq ayaa la xidhay xiligii halyeeygii Salaaxu-ddiin Al Ayuubi iyada oo dalool yar looga furay gudaha. Albaabkan ayaa waxa waxyeelo soo gaadhsiiyay dhul-gariir ka dhacay masjidka, iyada oo dhismihiisa dib loo cusbooneeysiiyay xilligii boqortooyooyinkii uu dhaxeysay 707-732H kuna beegneyd markuu sannadka miilaadigu uu ahaa 1307-1336.
Xilligii Al-Xaaji Amiin Al-xuseyni ayaa Buraaq qeyb ka mid ah la xidhay isaga Oo qaybtaa ka qoday ceel, darbiga ceelka ayaa raadkiisa illaa iyo hadda ka muuqda dhinaca mixraabka masjidka.
Muslaha lagu tukado ee Buraaq ayaa Jimce kasta dadka soo booqda loo furaa iyada oo ay jeceshahay waaxda shaqada ku leh in uu furnaado mar kasta.
KHATATRA LAGU HAYO BURAAQ
Runtii waa meel aad u qiimo badan sharaf badanna leh waa meel ay malaa’iktu ay joogto waa halkii uu maray Nabi Muxamed (NNKHA) waa meel ay sidoo kale ay mareen Anbiyadaii Alle hadaba waxa iska adag meel qiimahaa leh in ay ka nabad gasho kuwa wax xasda oo dabciga u leh in ay il xaasid ay ku eegaaan nicmooyinka la siiyay dadka kale. Haddaba mar ay muslimintu ay ku jireen hurdo ayaa waxaa is urursaday koox shar wadayaal ah si ay u sheegtaan goobtaas barakeeysan iyagoo iska keenay oohin albabkaa hortiisa, oohintaas Oo ahayd oohin dacawo si ay dadka Muslimiinta ay ugu xayiraan iftiinka goobtaa barakeeysan oo ay iyagu isu siiyaan. kooxdaas markii ay badisay oohinta aan dhabta ahayn ayaa waxaa dhacday in uu isku dayay nin ka tirsanaa maamulkii Ingiriska ee haystay dhulka falastiin ninkaasi oo la oranjiray Wiseman in uu Yahuud sheeganeysay goobtaa ay ula baxday (AL-MABKA) oo uu u iibiyo isaga oo u soo bandhigay 1918kii dadkii muslmiinta ahaa 80-kun oo gini si ay goobtaa Yuhuudda ula wareegaan, hasayeeshee dadkii muslimiinta ahaa ayaa arrintaa cod wada jir ah ku diiday.
Laakiin diidmadaa reer Qudus kama aanay reebin Yuhuudda iyo Ingiriiska oo iskaashanaya in ay ku dadaalaan sidii ay u tirtiri lahaayeen dhismahaa sharafta leh taasi ayaa waxa ay horseeday in uu dhaco kacdoon loo bixiyay kacdoonkii Buraaq sannadku markuu ahaa 1929-kii bishii August, halkaas oo ay is dhexgaleen iskuna milmeen ilmada ka daadanaysay dhagaxdii Buraaq iyo kuwa ka daadanayay mujaahidiinta. Kacdoonkaa ayaa waxa ku daatay ilmo iyo dhiig badan sidii loo difaaci lahaa dhismahaa qiimaha badan. Inkastoo guddiyo baadhitaan ay dhistay Hay’addii qaramada midoobay oo arrintaa baadhis ku sameeyey, waxa ay soo saareen in ay dhismahaa ay leeyihiin muslimiintu oo aanay Yuhuuddu wax shaqo ah ku lahayn haddana waxa muuqata in go’aamadaa aanay daacad ka ahayn oo laga lahaa ujoodooyin illaa iyo hadda taagan. si kastaba ha ahaatee muslmiinti ayaa waxa ay suuragliyeen in ay dib u dhigaan in goobta Buraaq la yahuudeeyo illaa ay ka timid dhibaatadii 1967-kii markaasi oo ay Yuhuuddu ay ku sameeyeen qaybo badan oo masjidka ka tirsan dumin iyaga oo gabi ahaanba ka takhalusay qeybihii loo yaqaanay Al-magaaribah halkaa oo dhismihii Buraaqna lagu dumiyay.
….La Soco Qaybo Kale




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *