BREAKING NEWS
Search

Xoghayihii Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Gabiley Oo Is Casilay

Gabiley (Foore)- Xoghayihii gobolka Gabiley ee xisbiga muxaafadka ee Kulmiye Cabdi Xaashi Aw Jaamac ayaa shalay iska casilay xilkii xoghayenimo ee uu u hayay xisbigaasi. Xilka uu masuulkani iska casilay ayuu si rasmi ah u shaaciyay kadib markii sida uu sheegay uu arkay in nidaamkii maamul ee xisbigu noqday mid is garab yaac ah, oo Gabiley oo kaliya ay ka wada shaqaynayaan laba maamul oo aan midna midka kale ka amar qaadan.

Warkan ayaa soo baxay iyadoo magaalada Gabiley laga wado olole balaadhan oo soo dhawayn ah iyad aoo maanta gobolka laga sugayo wafti uu hogaaminayo guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.  Masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ee gobolka Gabiley ayaa maalahan danbe ay ka soo if baxaysay khilaaf maamul oo xooggani iyada oo aan wali la xalin khilaafkaasi oo abuuray laba garab oo labaduba ay ka wada shaqaynayaan sidii Gudoomiyaha loo soo dhawayn lahaa. Mid kastaana dhiniciisa u sheeganayo inuu isagu yahay maamulkii saxda ahaa.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *