BREAKING NEWS
Search

Xoghaye Uur-Cade Oo Ganafka Ku Dhuftay Go’aankii Gudida Fulinta Ee Xisbiga WADDANI Xilka Kaga Qaaday, Kagana Jawaabay Weerar Afka Ah Oo Uu Qaaday Gudoomiye Cirro

Hargeysa, April 16, 2018- (Foore)- Xoghayihii Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Maxamed Cabdilaahi Uurcade oo ay dhawaan Gudida Fulinta Xisbigaasi ka qaadeen Xilka ayaa xilka qaadistiisa ku tilmaamay mid aan Sharciga Xisbiga Waafaqsanayn waxaanu weerar afka ah ku qaaday Gudoomiye Cirro oo uu ku eedeeyay inaanu daacad ka ahayn Qadiyada Gooni isku taaga Somaliland isagoo dhinaca kalena ku eedeeyay inuu wakhtigii Doorashada Madaxtooyada isku dayay inuu Dalka Dagaal sokeeyo ka rido balse ay diideen beeshiisu,waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in Gudoomiye Cirro ka gubto in magacyadooda lasoo qaado Cabdiqadir jirde iyo Gaboose.
Xoghaye Uur Cade oo Warbaahinta kula hadlay Hargeysa shalay ayaa waxa uu hadalkiisa u bilaabay sidan“Gudoomiye haddii aad Inan yar oo aad adeer u tahay Jeebada ku soo qaadatay oo aad tidhi Xilka ku wareeji oo Fasax gal,Saw may ahayn Xisbigu ha burburo oo halagu kala tago, inankaad adeerka u tahay markaad leedahay nin shirweyne lagu doortay ku wareeji Gudoomiyena aad tahay Madaxweynena aad dalka ka sugayso,saaxiib gaar ahna aynu nahay Intaasi dhaafi maayo, Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxa uu igu eedeeyay inaan Turxaan kala dhex dhigayo Xisbiga Iyo Siyaasiyiinta,halkaasi waxaan leeyahay waxaa sheegay rag siyaasiyiin ah oo uu ka mid yahay Cabdiqaadir Jirde iyo Gaboose oo Xisbiga ka tirsan,oo tacab galiyay oo awood Illahay siiyay inay Guul u keeni karaan Doorashada kuwaasi oo Soo hadal qaadkoodu sida dhinbiisha kuu gubay,Gaariye ayaa laga hayaa Waxa ruhuba Qoor qabad Biyo kuma qudh qudhiyaan,Anna Qiiro mooyee Qasab kuma balwayn karo”.
Waxa kale oo uu yidhi“Anigu waxaan aaminsanahay inaanad Guul u keeni karin Xisbiga,horena waan u sheegay,Lexejeclo aan Xisbiga ka qabo ayaa sidaasi u leeyahay,maadaama oo aad Guuldaradii Xisbiga adigu si toos ah u keentay,oo cadaymihii leh,oo aad adna ogtahay Ana aan ogahay,oo aan jeclayn inaan Bulshada gaadhsiino,Gudoomiye Cirro waxa uu igu eedeeyay inaan kasoo horjeestay Go’aankii Xisbigu gaadhay,haddaan tusaale u soo qaato DP-World Iyo Saldhigga Milatari ee Berbera,Waxaan ku leeyahay anigu aan ku saxo eh,anigu waxaan u jawaabay Dawadda Soomaaliya,oo dalkeena Cadaw ku ah oo tidhi Somaliland lama maalgashan karo,inaad dhibsatay ayay u egtahay Jawaabta Soomaaliya,balse Muwaadin dalkiisa jecel ayaa ahay”.
Ugu dambayn waxa uu yidhi“Arinta Dp-World ee aad kasoo horjeedo waxaan u arkaa dambi qaranka aad ka galayso,68 cod ayaad golaha cod uga qaaday,Qoraalna waad ku bixisay,Abu-Dubai-na laba goor ayaad kula kulantay intaan anigu hubo,umadna hogaamiye nin run ku wada weeyi laakiin nin been kuwadaa Hogaamiye ma noqdo,Gudoomiye Cirro waxa uu cadayn kari waayay inuu Somaliland yahay anagu waanu cadaynay,ninka la dooranayayna isaga ayuu ahaa,waxaan anigu markhaati ka ahay inaad isku dayday in dalkani Dagaal Sokeeye galo maalintii Doorashada,in reer Garxajis inoo yeedhay oo ay ina yidhaahdeen, Walaalayaal waa la inaga badiyay,Guul ayaad joogtaan,Hambalyeeya Natiijada,ninka badelay ee hadalkii dhiigga daadiyay keenay Waa Cirro”. Ayuu yidhi Xoghayihii xilka xisbiga WADDANI dhawaan la sheegay in laga qaaday.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *