Xoghayaha Guud ee Afrikada Bari ee Xisbiga Waddani Oo Hambalyeeyey Musharaxiinta Madaxwaynaha Iyo M/Xigeenka, Ansixinta Hogaamiyaha Iyo Guddoomiyaha Ku Meel Gaadhka Ah Ee Shirkii Golaha Dhexe Ee Waddani

WARSAXAAFADEED
UJEEDO: HANBALYO MUSHARAXINTA MADAXWAYNAHA IYO M/XIGEENKA, ANSAXINTA HOGAAMIYAHA IYO GUDOOMIYAHA KU MEEL GAADHKA AH EES HIRKII GOLAHA DHEXE EE WADDANI

Bismilaahi,Raxmaani,Raxiim.
Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi,Wabarakaatuhu.
Anigoo ku hadlaaya af ka xisbiyahanada iyo tageerayaasha Waddani ee Africada Bari,sidoo kalena ku hadlaaya kayga.
Waxaad naga aqbashaan hanbalyo iyo bogaadin diiran,ka dib guushii aad ka soo hoyseen shirkii kowaad ee golaha dhexe XISBIGA Waddani,ee qabsoomay 22/10/20016,kana qabsoomay Casimada dalka ee Hargeisa.
• Waxaanu idiin rajaynaynaa Guul iyo nasiib wacan
• Guushiinaasi waxay na galisay ididiilo iyo dareen dib u curasho qaran
• Waxaad jeexdeen dariiq cusub oo dimuqraadi ah,sidoo kalena bilaa qodxo ah,oo badbaadin doona masiirka shacabka reer Somaliland,dhaxal galna u noqon doona jiilasha danbe.
• Waxaad bilowdeen ka midho dhalinta,masuuliyado cusub oo xaqiijin doona,himilooyinka shacabka reer Somaliland .
• Waxaanu hubnaa inaad u qalantaan,masuuliyadahaasi,kana soo bixi kartaan,sidoo kalena sii wadi doontaan,danaha iyo horumarka dalkeena iyo dadkiisa.
• Waxaanu balan qaadaynaa,in aanu sii wadi doono,tageeraddi hiilka iyo hooda ahayd ee aanu idinla garabka taagnayn.
• Waxaanu garowsanahay,in ayna jirin hogaamiyeyaal aan idinka ahayni,ee yaan la joojin geediga iilaa inta laga gaadhayo guusha.
MAGACYADA HOGAAMIYE YAASHA XISBIGA WADANI
1.Dr.Cabdirahman Maxamed Cabdilaahi :Aas aasihii ahna Musharaxa Madaxwayne ee Xisbiga.
2.Amb.Maxamed Cali Kaadiriintii ahna Musharax M/xigeenka Xisbiga
3.Cabdiqaadir X.Ismacil Jirde Sharci yaqaan,dhowrsoon,G/ku meel gaadhka Xisbiga
4.Xirsi Cali Xaaji Xassen Hogaamiyaha Dib u Curashada Qaranka S/land ee Xisbiga

Alle Mahad Leh
Wadda Shaqayntu Waa Furaha Guusha

……………………………………………….

Xoghayaha Guud ee Africada Bari ee Xisbiga Waddani
Abdirashiid Haibe Abdi Sandoon




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *