BREAKING NEWS
Search

Xoghayaha Difaaca Maraykanka Oo Weerar Lagu Qaaday Xili Uu Ku Gudo Jiray Socdaal Uu Ku Tagay Afghanistan

Kabul (Foore) – Xoghayaha cusub ee Difaaca Maraykanka Chuck Hagel ayaa safarkiisii ugu horeeyey ee ku tagay magaalada Kabul ee caasimada dalka Afghaanistaan waxa uu kala kulmay weerar lagu soo qaaday. Safarka Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka ayaa ahaa mid aan hore loo shaacin, balse xili uu ku sugnaa magaalada ayaa waxaa weerar bambaano lagu qaaday goobtii uu ku sugnaa ee badhtamaha magaalada Kabul. Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhintay qaraxan sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada Afghaanistaan. Weerarkan ayaa waxaa fuliyey nin watay bambaano oo isa soo miidaamiyey kaasi oo isku dayey inuu gudaha u galo Daar u dhaw Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee Afghaanistaan, halkaasi oo uu xiligaasi ku sugnaa Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka Mr.Chuck Hagel. Ninkan ayaa is qarxiyey kadib markii jidgooyo halkaasi tiilay ay ku joojiyeen ciidamada Afghaanistaan iyo kuwa Maraykanka oo amaanka si wadajir ah u sugayey. Kooxda Talibanka ee Afghaanistaan ayaa sheegtay weerarkan, iyagoo ku tilmaamay inay ahayd “Fariin” ku socotay Xoghayaha cusub ee Difaaca Maraykanka.

Dalka Maraykanka ayaa lagu wadaa inuu ciidamadiisa kala soo baxo dalka Afghaanistaan dhamaadka sanadka soo socda ee 2014, arrintaasi oo kamid ah hawlaha ugu waaweyn ee hada horyaal Xogahayha cusub ee Difaaca Maraykanka Chuck Hagel oo uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *