Xisbiyadda Mucaaridka Oo Kalsooni Darro Ka Muujiyey Komishanka Dorashoyinka Qaranka, Xili 60-Maalmood Oo Qudhi Ay Ka Hadhay Maalinta Dorashada Madaxtooyada

Hargeysa (Foore) – Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland waa Hay’adda qaranka u qaabilsan qabashada dorashoyinka dalka waxaanu ka kooban yahay 7-xubnood oo lagaa soo xulo xisbiyadda Qaranka iyo Xukuumadda Hadaba, Komishanka Dorashoyinka Qaranka Somaliland waxaa xilligan  Cadaadis xoogan kaga imanayaa  Labada xisbi Mucaarid ee Waddani iyo Ucid xilli Muddo ku dhow lixdan cisho ka hadhay doorashada Madaxtinimada dalka, waxaana si xumaanaya xidhiidhka wadashaqayneed ee  ka dhexeeya Komishanka doorashoyinka iyo sidoo kale Xisbiyadda Mucaaridka oo Noqonaya Aqlabiyada Xisbiyadda Somaliland.
Xisbiga Mucaaridka ee Waddani ayaa dhawaan sheegay inaanay kalsooni buuxda ku qabin Xubnaha Komishanka doorashooyinka qaranka waxaanay ku eedeeyeen kuwo xidhiidh  laleh xukuumadda Somaliland iyo xisbiga Muxaafidka ee Kulmiye waxaana Afhayeenka Xisbiga Waddani Xildhibaan  Ibrahim Mahdi Buuba oo warbaahinta dhawaan ugu waramay Xarunta dhexe ee Xisbiga Waddani meesha ka saaray kalsooni xisbigiisu ku qabo Komishanka dorashoyinka qaranka, waxaanu Daadafeeyay nidaamka shaqo ee komishanka dorashoyinka oo uu ku tilmaamay mid salka ku haya xukuumadda iyo xisbigeeda Kulmiye, sidoo kale  Musharaxa Xisbiga Mucaaridka ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “ cirro “ ayaa isna Goob  Fagaare ah ka sheegay  walaac uu ka qabo Komishanka dorashoyinka Qaranka waxaanu beesha Calaamka ka codsadaay inay  Goobjoogayaal Caalamiya usoo diraan Doorashada Somaliland ka dhici doonta 13 November ee sanadkan 2017 dhanka kale Xisbiga Mucaaridka ee Waddani ayaa qoraal usoo saaray ku cadeeyay inuu kalsoonidii kala noqday ururada Aan dawliga ee ka hoos shaqayn jiray Komishanka Dorashoyinka, waxaanay arrintaas khalkhal gelinaysaa wadashaqayntii Komishanka Dorashoyinka iyo sidoo kale Xisbiga Waddani.
Dhanka kale Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid ayaa isna dhankiisa walwal weyn ka qaba habsami usocodka hawlaha shaqo ee komishanka dorashoyinka qaranka waxaan xisbiga waddani ka mideysan yihiin kalsooni darrada ay ka qabaan doorashada dalka ka dhici doonta bisha November ee sanadkan 2017, Xoghayaha warfaafinta Xisbiga cadaalada iyo Daryeelka Ucid Yusuf Kayse Maxamed oo warbaahinta la hadlay dhawaan ayaa sheegay in xisbi ahaan kalsoonida kala noqon doonaan komishanka dorashoyinka qaranka waxaanu sheegay inaanay ku qanacsayn nidaamka iyo hawlaha komishanka doorashoyinka oo ku sifeyeen Mid uu Gacanta kula Jiro Xisbiga Muxaafidka ee Kulmiye.
Si kastaaba ha ahaatee Komishanka doorashoyinka Qaranka ayaa aan weli jawaabtii ku haboonayd ka bixin eedaha iyo dhaleecaynta uga imanaya xisbiyada Mucaaridka ah waxaanay taasi dhalin kartaa Tuhun cadeynaya Xidhiidh Hoose oo ka dhexeeya Xisbiga Muxaafidka ee Kulmiye iyo sidoo kale Komishanka dorashoyinka qaranka madaama komishanka dorashoyinku iska difaaci waayay Eedaha uga imanaya xisbiyadda Mucaaridka Somaliland.
Kalsooni darrada xisbiyada Mucaaridka ee guddida doorashooyinka ayaa keeni karta walaac dhinaca doorashada ah oo ay daneeyayaashu qabi karaan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *