Search

Xisbiyada Mucaaridka Ah Oo Ka Hadlay Dooga Sanaaciga Ah Ee Xukuumaddu Ku Beertay Gegida Hargeysa Stadium

Mujaahid Cali Gurey Oo Tallaabo Hore Loo Qaaday Ku Tilmaamay Horumarka Ay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaruhu Kusoo Bandhigtay Gogosha Rooga Ah

Hargeysa (Foore)- Garoonka Kubadda Cagta ee Caasimadda Hargeysa ee Hargeysa Staduim, ayaa markii u horeysay ay Wasaaradda dhalinyarta, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland ku gogoshay roogga Dooga Macmalka ah ee Garoomadda la dhigo iyada oo Xubno wasaaraddaasi ka tirsan oo uu hogaaminaayo Wasiirkooda Md. Axmed Cabdi Kaahin ay kormeer ku tegay garoonka kubadda cagta ee Hargeisa. Kormeerkan oo ay wasiirka ku weheliyeen wasiir ku-xigeenka wasaaradda ciyaaraha Md. Yuusuf Cismaan Garas, Agaasimaha guud Md. Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye) iyo guud ahaanba Agaasime waaxeedyada wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha, waxaana ugu horeyn halkaasi ka hadlay war-bixin guudna ka siiyey masuuliyiinta hawsha shaqo ee ka socota garoonka Agaasimaha waaxda ciyaaraha Mr. Maxamed Nuux Jibriil, waxaana uu xusay in goglida doogga mac-malka ah ee la dhigayo garoonka ay intii ugu badnayd dhigeen kuna rajo” Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Maxamed Cabdi Xuseen oo ah Ingineerka shirkadda dhisaysa ee Haboon Construction Company, waxaana uu ka war-bixiyey halka ay hawsha shaqo u marayso iyo xilliga ay rajaynayaan inay dhamaystiraan.
Agaasimaha guud ee wasaaradda ciyaaraha Md. Maxamed Xuseen Dhabeeye ayaa xusay inay guul weyn ay tahay in garoonka Hargeisa Stadium hadda laga bilaabo uu la mid noqon doono garoomada dunida laga ciyaaro, dedaalkeedana ay leedahay xukuumadda Madaxweyne Axmed Silanyo, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Waxaa maanta noo farxad ah inaynu dhex joogno Hargeisa Stadium oo hab casri ah loo dhisayo oo la muuqaal noqon doona garoomada caalamka. Waxay talaabadani ay guul weyn u tahay guud ahaanba Somaliland gaar ahaan dhallinyarteena, garoonkani waa midka ugu weyn ee qarankani ku dhaato waxaana dedaalkeeda iyo hir-gelinta in ceynkan loo dhiso uga mahad-celinaynaa xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Maxamed Silanyo oo runtii dedaal dheeriya hadh iyo habeenba ugu jirta horumarinta iyo dhiiri-gelinta ciyaaraha iyo dhallinyarada” ayuu yidhi Agaasime Dhabeeye. Agaasime Maxamed Xuseen Dhabeeye ayaa tilmaamay in dadka qaar ay la ahayd hadal markii ay maqleen in garoonka Hargeisa Stadium doogga casriga ah ee la dhigo garoomada la dhigayo “Dadka qaar ee ku caaroodda wanaaga iyo waxqabadka waxay u haysteen hadal iyo waxaan suurtoobayn laakiin maanta waxaanu leenahay qudhaanjooy ku quuso”. Wasiir ku-xigeenka wasaaradda ciyaaraha Md. Yuusuf Cismaan Garas ayaa isaguna hoosta ka xariiqay in xukuumadu ay dedaal ugu jirto inay wixii taagteeda ah ay garab istaagto dhallinyarta si meesha looga saaro caqabadaha hor-taagan, sidoo kalena laga hor-istaago tahriibta iyo balwadaha lana mashquuliyo. Wuxuuna geesta kale uu tilmaamay in dhaqaale wax ku ool ah uu qaranka uga soo bixi doono garoonka Hargeisa Stadium. Ugu dambeyntii, wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Md. Axmed Cabdi Kaahin ayaa tilmaamay inay tahay wax lagu faano in xukuumadu ku guuleysatay una badheedhay inay Hargeisa Stadium ay dhigto doogga mac-malka ee garoomada kubadda cagta, waxaana sidoo kale uu baaq u diray shirkaddaha kala duwan ee Somaliland “Maanta laga bilaabo Hargeisa Stadium wuxuu la mid noqonayaa garoomada caalamka waxaana dedaalka leh madaxweynaha Somaliland, guud ahaan waan ku soo wareegnay oo Ingineerkana waanu uga mahad-naqayna sida uu masuuliyada iskaga saaray inuu u hagar baxo, kolay waxooga ayaa dhiman oo intii badnayd waa la dhameeyay waxaanan rajaynaynaa in sida ugu dhakhsaha badan u dhamaystirmi doono. Shirkadaha reer Somaliland ee horena qaar ka mid ahi noo garab taagnaayeen waxaanu ugu baaqaynaa inay dhankoodana ka qeyb-qaataan wixii kagaga soo hagaaga waana rajaynaynaa baaqan iyo kii hore ee aanu u dirnay” ayuu yidhi wasiir Axmed Cabdi Casood. Masuuliyiintan ayaa socod ku soo maray guud ahaanba garoonka iyaga oo halkaasi war-bixino kaga dhagaysanayay Eng. Maxamed Cabdi oo mid mid uga warsiinayay baaxadda ay leeg tahay hawsho shaqo iyo sidoo kale qorshaha shaqada u hadhsan. Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey) ayaa soo dhaweeyey doogga lagu goglay garoonka kubbada Cagta Ee Hargeysa Staduim, waxaana qoraallo kooban oo uu barta uu Face Book-ga ku leeyahay ku baahiyey ku boggaadiyey masuuliyiinta wasaaradda ciyaaraha horumarka ay ka sameeyeen dhinaca garoonka qaranka, isaga oo sheegay in magaalada Hargeysa ay ceeb qaran ku tahay in garoonkeeda weyni bilaa roog noqdo, waxaana uu yidhi “ Waa markii ugu horeysay ee la goglo Hargeysa Stadium, Way u qalmaan in lagu ammaano waanan ku ammaanayaa. Hargeysa ceeb bay ku ahayd qarniga 21aad in gego habaas wayn garoon u noqdo. Waxa jira wax yar oo haddana macno wayn samayn kara. Way ka fiicnayd in doog dabiici ah lagu beero haddana SOMETHING IS BETTER THAN NOTHING, Horaa loo yidh WAX YAR TARAA JIRA EH WAX MA TARE MA JIRO” ayuu yidhi Cali Gurey.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *