Search

“Xisbigii KULMIYE Waanu Ka Xoraynay Ingiriiska, Khibraddaasi Ayaan Doonaynaa In Aan Kaga Xorayno Dalka Oo Dhan”

Hargeysa (Foore)- Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI laantisia dalka UK Mudane Xuseen Aadan Cadde oo shalay ka soo degay Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport ayaa sheegay in awoodda xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhayso iyaga oo muddooyinka soo socdana laga dareemi doono guud ahaan dalka gaar ahaan caasimadda Hargeysa taageerada shacabku u hayaan xisbigaasi isaga oo dhinaca kalena sheegay in xisbiga WADDANI laantiisa UK xisbigii KULMIYE kaga adkaadeen dalkaasi Ingiriiska oo ay yihiin xisbiga taageerada ugu ballaadhan ku haysta dalkaasoi Ingiriiska. Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI laantiisa dalka UK Mudane Xuseen Aadan Cadde waxa uu sidan ka sheegay mar uu shalay ka soo degay Madaarka Hargeysa oo ay halkaasi ku soo dhaweeyeen saraakiil sarsare oo ka tirsan oo xisbiga WADDANI, isaga oo sheegay in uu dalka u yimid arrimo la xidhiidha dardar gelinta xisbiga WADDANI.
Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI laantiisa dalka UK Mudane Xuseen Aadan Cadde oo ka soo jeeda Gobolka Hawd oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Waxaan dalka u imid in aan ka shaqayno sidii deegaamada aan ka soo jeedaa u taageeri lahayd ee ay cududooda isugu gayn lahayd xisbiga WADDANI iyada oo xubno iga soo horreeyeen qaar kalena iga dambeeyaan oo ay soo socdaan. Waxa aan doonaynaa in xisbiga WADDANI aanu cudud weyn ku taageerno haddii aanu nahay deegaamada Gobolka Hawd iyo Hargeysa. Anigu waxaan ahay Guddoomiyaha UK ee xisbiga WADDANI. Xisbiga KULMIYE kama jiro UK iyana way og yihiin waxaanan idiin sheegayaa in aanu xisbigaasi kaga adkaanay Ingiriiska. Dadweynaha reer Somaliland ee UK waxa ay isugu wada tageen oo taageereen xisbiga WADDANI. Dalkaasi Ingiriiska haddii aanu nahay WADDANI waxaanu ku leenahay 21 xafiis oo shaqeeya oo dardar ku wada hawshooda. Xisbiyada kale xisbi kali ah oo intaa ku lihi ma jiro. Waxaanu doonaynaa khibraddii aanu KULMIYE dalka UK kaga nadiifinay in aanu Hargeysana iyo dalka oo dhanna kaga nadiifino.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *