BREAKING NEWS
Search

Xisbiga WADDANI Oo Xukuumadda Uga Digay Inay Dhalinayaro Reer Somaliland U Dirto Dagaalada Ka Socda Dalka Yamen

“Ciidamadaasi Waa 25-jir Da’doodu, Maanta Somaliland Waxaanu U Aragnaa Inaanay Dani Ugu Jirin Inay Ku Layso Dhalinyaradeeda” Ina Riyo Raac

Hargeysa (Foore) – Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa meel adag iska taagay ciidamo ay sheegeen in Xukuumadda Somaliland u dirayso Dalka aynu dariska nahay ee Yemen oo Colaado dagaalo sokeeye ka taagan yihiin,waxa uu Xisbigaasi ku baaqay in ciidankaasi oo ay sheegeen inay ogyihiin qoraalkiisa ay xukuumaddu wado la joojiyo, lana mariyo sifo sharci ah,waxay uu Xisbiga ugu qaabay dhalinyarada Somaliland inaanay macno daro Naftooda ugu soo halaagin Saxaarada Dalka Yamen oo ah meel aad u adag oo rafaad ah.
Xoghaya Qorshaynta ee Xisbiga WADDANI Cabdirashiid Riyo-raac oo arintaasi shalay ka hadlay ayaa waxa uu si faah faahsan warbaahinta ugu soo bandhigay Xogo uu sheegay inuu xisbigoodu hayo oo ku saabsan ciidamo da’dooda lagu sheegay 25-jir oo ay Xukuumadda u qorayso dalka Yamen,waxaana hadalkiisii ka mid ahaa “Xisbiga Waddani waxa uu helayaa warar Xaqiiqa ah oo sheegaya in dawladda Somaliland ay qorayso ciidamo ka dagaalama Saxaaraha oo aan wali xaqiiqdeeda shacabka loo sheegin,waxaanu leenahay ciidamdaasi qarsoodiga ah looma baahna,wadanku wuxuu leeyahay nidaam in nidaamkaasi la mariyo weeyaan oo umada loo sheego waxa la samaynayo ayaa mihiim ah”.
Isagoo hadalkiisii sii wata ayaa waxa uu yidhi “Ciidamadaasi waxa la leeyahay waa 25-jir da’doodu,Maanta Somaliland waxaanu u aragnaa inaanay dani ugu jirin inay ku layso dhalinyaradeeda iyo ubaxeeda waxaanay dani ugu jirin oo ay Saxaaraha ka dagaalamaan,Lamana Garanayo ilaa hada waxa ay ku iibsatay,Maanta dal ictiraaf u baahan ayaynu nahay markaa inaynu Ictiraaf siisano ayay ahayd xitaa,dalka Xorayntiisii rag ayaa u soo dhintay,Ictiraafkiisana rag inay u dhintaa lama diidana,laakiin Bilaa macne in dhalinyarada lagu dilo iyo waxaan loo jeedin runtii anagu garan mayno”.
Waxa uu Xukuumadda ku dhaliilay sifo qarsoodi ah inay umarayso qorista ciidankaasi islamarkaana ay ku doonayso inay macno daro da’yarteenu ugu dhintaan Saxaaraha Dalka Yamen“Looma sheegin umada waxa uu noqonayo xaquuqda dhalinyartaa saxaraha lagu laynayaa, heshiiska lagalay umada looma sheegin, cid Alle cid ka warhaysaa ma jirto,wax yaableh weeyi in la qariyo wax intaasi leeg oo ciidamo iyo umad lagu qorayo,oo waraaqo iyo sawirada dadka la qorayo hoos loo guranayo,waxaan la isla qaadan anagu ogolaan mayno waananu dhaleecaynaynaa,waxaanu ka soo horjeednaa in Somaliland oo taqaana dagaalku wuxuu yahay iyo dagaalka sokeeye,in laga qayb qaato dagaalo sokeeyo oo wadamada dariska ka socda oo halkaasi shacabka colaad ay u xambaarsi runtii anagu waxaanu leenahay maaha wax umadani gaydo,dhalinyartana waxaanu ugu baaqaynaa in inta ay arintaasi ka noqonayso arin qaran oo lagawada tashaday oo goleyaasha la mariyay oo xaq iyo xuquuq waxa ku jira ay cadahay la ogaanayo hayeelina hana galina” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday ina Riyo Raac.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *