Xisbiga waddani oo xaflad soo dhawayn ah u qabtay Dr.Gaboose oo ku soo biiray iyo Gaboose oo balan qaaday inaanu ka dhex tartami dooni waddani.

Hargeysa (foore) Jan 22,2013 – Xisbiga Waddani ayaa maanta Munaasibad soo dhawayn ah u qabtay Dr Gaboose iyo ururkiisii UMADDA oo la midoobay.
Munaasibadan oo ahayd mid ilyartu isqabatay ayaa waxa ka qayb-galay Masuuliyiinta sarsare ee Waddani iyo UMADDA, Taageerayaasha labada dhinac iyo waliba dad kale oo aad u tiro badnaa.

Waxa khudbado ka jeediyay siyaasiyiin badan oo uu ka mid yahay Guddomiyaha ururkii RAYS ee doorashada ku hadhay Xasan Gaafaadhi iyo masuuliyiin kale, kuwaasi oo bogaadiyey cudada Waddani iyo Umaddu isku geeyeen.

Dr Maxamed Cabdi Gaboose oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in markii ururkoodii hadhay ay go’aansadeen inay la midoobaan Waddani si aanay dhibaatadii jirtay mid kale ugu sii darin.

Dr Gaboose, waxa kale oo uu ka hadlay Kaalinta Mucaaradnimo ee Waddani, Musharaxnimada Guddoomiye Cirro iyo arimo kale oo badan.

Gabogabadii ayaa Guddoomiye Cirro iyo Dr Gaboose waxay kala saxeexdeen heshiis dhigaya sida wax loo wada leeyahay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *