Xisbiga Waddani Oo Qoonsaday Qaadacaada Madaxwayne Siilaanyo Ee Shirka London, Sheegayna Inuu Ka Hor-Dhacay Talladii Qaran Ee Uu Hore Ugu Baaqay

Hargaysa (Foore)-Afhayeenka xisbiga WADDANI xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Madaxwaynaha looga baahnaa hadal aan toos ahayn oo lagu qaadacayo shirka London, balse hadalkii shalay ee Madaxwaynuhu uu dhaawac diblumaasiyadeed ku yahay Somaliland.

Afhayeenka Waddani oo arimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi “Madaxwaynuhu waxa uu hore u sheegay in shirka London tallo qaran laga yeelanayo, may dhicin talladii qaran, haddii laga taggi waayo qaybo ka mid ah xukuumaddu waxay baahiyeen in la soo casuumay waxgaradka reer Somaliland ee qurba-joogta ah si ay uga qayb-qaataan taladii qaran ee Madaxwaynuhu ku baaqay, haddana hadalkii Madaxwaynuhu wuxuu noqday waanu qaadacnay shirkii (London), dannina Somaliland uguma jirto inay ka qayb-gasho shirkaasi, waxaanu leenahay xukuumadda waxa u wanaagsan inay isku duba ridato wararka ay bulshada u sheegayso, itijaah siyaasadeed oo cadna ay u jeexdo, maaha inay marna tidhaahdo shirka waa lanagu casuumay oo waanu ka qayb-galaynaa, marna ay tidhaahdo waanu qaadacnay, xagga diblumaasiyasada markaanu eegno waxaanu qabnaa qaadacaada shirkaasi ee Madaxwaynuhu ku dhawaaqay inay Somaliland dhaawacayso, Madaxwaynaha waxa looga fadhiyey hadal u dhaxeeya waanu ka qayb-galaynaa iyo kama qayb-galayno




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *