Xisbiga WADDANI Oo Gabi Ahaanba Kalsoonidii Kala Laabtay Ururrada SONSAF Iyo Akaademiga Iyo UCID Oo Gaashaanka Ku Dhufatay Guddi SONSAF Soo Abaabushay

Hargeysa, Salaasa, 12 September 2017, (Foore)- Xisbiyada qaranka ee WADDANI iyo UCID ayaa midna gabi ahaanba kalsoonidii kala laabtay Hay’adaha aan dawliga ahayn ee SONSAF iyo Akaademiga Nabadda iyo Horumarka (APD), Xisbiga kalena diiday in uu ka soo qayb galo aqoonsadana guddi la sheegay in loo dhisayo xallinta khilaafaadka ee doorashooyinka soo socda oo ay iska kaashanayaan Komishanka doorashooyinka qaranka iyo dalladda Ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF.
War-saxaafadeedyo ay shalay soo saareen Xisbiyada Mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID ayaa mid kastaa xambaarsanaa nuxurkaasi waxaanu xisbiga WADDANI isagu gabi ahaanba kalsoonidii kala laabtay Ururrada Akaademiga Nabadda Iyo Horumarka iyo Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah ee SONSAF oo ay ku eedeeyeen in aanay dhex ka ahayn arrimaha doorashooyinka oo ay si toos ah ula safan yihiin xisbul xaakimka KULMIYE.
War-saxaafadeedka Xisbiga WADDANI kalsoonida kala laabtay labadan Urur ee waddaniga ah oo inta badan door weyn ku yeesha doorashooyinka Somaliland ayaa waxa ku saxeexnaa Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Mudane Maxamed Cabdilaahi Uurcadde kaasi oo u dhignaa sidan:
Ku: Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland
Og: Hogaamiyaha Xisbiga WADDANI
Og: Guddoomiyaha KMG ee Xisbiga WADDANI
Og: Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI
Ujeeddo: La-Laabasho Kalsooniyeed
Xisbiga WADDANI waxa uu aamminsan yahay kuna shaqaynayaa in qarankani u baahan yahay doorasho xor iyo xalaal ah, waxaanu soo dhawaynayaa cid kasta oo gacan toosan ka gaysanaysa hirgelinta nidaamka dimuquraadiyadda iyo qabsoomidda doorashooyinka dalka ku soo fool leh.
Xisbiga WADDANI waxa uu dhiirrigelinayaa hufnaanta iyo habsami u socodka doorashada foodda innagu soo haysa ee Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka.
Xisbiga WADDANI isaga oo dareemaya xasaasiyadda ay doorashooyinku leeyihiin, waxa uu gar-waaqsan yahay in aanay lug ku yeelan Karin doorashooyinka cid ka tirsan tartamayaasha ama ah taageerayaashooda.
Xisbiga WADDANI isaga oo ka duulaya xorriyadda doorashada iyo xalaalnimadeedaba, waxa uu si toos ah u joojiyey kalsoonidii dhexdhexaadinimo ee ay muddo ku wada shaqaynayeenna hakiyey labada urur eek ala ah Akaademiyadda Nabadda iyo Horumarka (APD) iyo Dalladda Ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF kadib markii aannu ku qanacnay in aannaan ku kalsoonaan Karin ku lug-yeelashadooda arrimaha doorashada.
Komishanka doorashooyinka qaranka waxa aannu la socodsiinaynaa in aannaan daraf ka noqonayn shaqo ku saabsan doorashada oo ay ururradaasi wadaan ama ay gacan ku hayaan, mar walba waxaannu garabsiinaynaa madax bannaanida nidaamka doorashada ee Komishanku gadhwadeenka ka yahay waxaannan soo dhawaynaynaa gacan kasta oo aan ku milmin axsaabta tartamaysa.
Allaa Mahad Leh
Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI
Md. Maxamed Cabdilaahi Uurcadde
Dhinaca kale waxa isna shalay ganafka ku dhuftay guddi ay wada qaban qaabinayaan Komishanka doorashooyinka qaranka iyo dalladda SONSAF Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo sheegay in aanay ka soo qayb galayn kulan martiqaad ah oo Komishanka doorashooyinku u kala diray daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka kaasi oo la sheegay in lagu dhisayo Guddi lagu sheegay xallinta khilaafaadka arrimaha doorashooyinka oo ay dabada ka riixayso SONSAF waxaanu war-saxaafadeed UCID shalay soo saaray u dhignaa sidan:
Ku: Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL
Ku: Dalladda Ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF
Ujeeddo: Jawaab Celin:
Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee UCID isaga oo tixraacaya warqadda ku taariikhaysan 9/9/2017 ee ay soo gaadhsiiyeen Komishanka doorashooyinka qaranka iyo dallada Jilayaasha ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF ee nuxurkeedu ahaa ka soo qayb galka DAAH-FURKA GUDDIDA MAARAYNTA KHILAAFAADKA DOORASHOOYINKA.
Guddida Fulinta xisbiga UCID waxa ay go’aan ka soo saareen shir ay maanta ku yeesheen xarunta dhexe ee xisbiga UCID qodobadan hoos ku xusan:
1. Xisbiga UCID waxa uu wada shaqayn joogto ah la leeyahay komishanka doorashooyinka qaranka iyo dalladda ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF.
2. In Xisbiga UCID aanay jirin wax xog ah oo uu ka hayo guddidaa la magacaabayo sida: Xubnaha Guddidu ka kooban yihiin, Shuruudaha lagu soo xushay, shaqadooda ay qabanayaan iyo tiradoodaba.
Sidaa darteed xisbiga UCID ma aqoonsan doono guddidaasi kamana soo qayb gali doono xafladda daahfurka guddidaas aannu kor ku soo xusnay.
Allaa Mahad Leh
Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Xisbiga UCID
Md. Cabdirashiid Xasan Maxamed (Basbaas).




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *