Xisbiga WADDANI Ma Ka Qayb Gali Doonaa Xafladda Caleemo Saarka M/weynaha La Doortay, Muxuuse Ka Yidhi Eedda Culus Ee La Xidhiidha In Markii Ugu Horraysay Gacan Hoose Soo Gashay Doorashooyinka Dalka, Sideese Xisbigu U Arkaa Shirka Madax-Dhaqameedka Xisbiga Taageertaa Ku Ballameen?

Hargeysa, Dec 11, 2017 (Foore)- Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu markii ugu horraysay saxaafadda la wadaagay tan iyo intii ka dambaysay Natiijadii Doorashada Madaxtooyada Somaliland isaga oo ka hadlay waxa uga qorshaysan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ka qayb galka Xafladda Caleemo Saarka iyo dhaarinta Madaxweynaha cusub ee la doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi in ay ka qayb galayaan iyo in aanay ka qayb galayn isaga oo arrintaasi uga warramayay shalay Telefishanka Horn Cable Tv.
Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo arrintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Runtii wali maannaan qorshaysan iyaguna wali namay casuumin mustaqbalkana waxa aynu u daynaynaa wakhtigeeda iyo goorteeda”.
Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa kale oo uu ka hadlay in ay guddi baadhitaan u saareen sababihii keenay in ay waayaan kursiga Madaxtooyada Somaliland isaga oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi: “Maannaan Guul-darraysan laakiin waxaanu gaadhi waynay wixii aannu doonaynay oo ahayd in aanu umadda taladeena qabano taasina waa wax loo tartamo oo had iyo jeer marka la tartamayo waxaad doonayso in aad gaadhi waydo iyo in aad gaadhaa labaduba waa suurto gal. Dabcan sababo taasi keenay way jireen sidaad la socotaan waanay badan yihiin. Annaga xaggayagana waa laga yaabaa in ay ka timaaddo sababaha qaarkood oo aannu tirsanayno runtii in ay gacmo kale soo galeen iyo in doorashada madamadaw badani ku gedaannaa oo aannu marar badan xusnay oo aanu ka tabayno. Laakiin waxaasi oo dhan waxa isku fuuqsaday waxa aannu aqbalnay waxa ka soo baxay markaa mar haddii wax soo baxaan oo aannu aqbalnay wixii ka soo baxay waxba imika wixii hore dib ugaga noqon maayo. Waxa aannu wadnaa oo socda daraasad ku saabsan dhacdadii dhacday, maxaa keenay in aynu gaadhi wayno oo awooddii aan lahayn iyo filashadeenii maxaa hoos uga dhigay iyo sidoo kale maxaa ku soo kordhay doorashada oo uu werwer jiro waana markii ugu horraysay ee werwerkaasi yimaaddo in ay gacmo kale inna soo galeen, imikana ka hor dhici maayo hebel iyo reer hebel bay ahayd laakiin tiimka loo saaray baadhitaankeeda waxaa ay soo saaraan baynu ka sugaynaa haddii Alle idmo” ayuu yidhi Siyaasi Xirsi.
Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo wax laga waydiiyey is-maan dhaaf la sheegay in uu ka taagan yahay deyn la sheegay in xukuumadda sii socotaa ay ku wareejinayso Madaxweynaha la doortay ayaa waxa uu kaga jawaabay: “Anigu waxba kalama socdo daymahaasi. Laba sano ka hor baan dawladda ka tagoo wakhtigaasi daymo laguma lahayne waxaaba siyaado ka soo bixi jirtay bajadka. Maan maqal wax rasmi ah oo sheegaya in ama dhaqaalihii hoos u dhacay inkasta oo dhaqaalaha guud ee dalka aan ka war hayo in hoos u dhac jiro, laakiin in miisaaniyaddeenii is dhintay maan maqal. Dayntaa kale ee aad sheegtayna maan maqal, wax aanan ogayna in aan ka hadlo maaha”.
Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa kale oo uu waraysigaasi kaga hadlay shirarka ay qaban qaabinayaan Madax-dhaqameedka dalka qaarkood waxaanu yidhi: “Taageerayaashayadu waxa ay xaq u leeyihiin in ay ra’yigooda cabbiraan iyo in ay dareenkooda soo gudbiyaan waa dal dimuquraadi ah, xor bay u yihiin laakiin talo xisbigu ku tashaday in uu shir halkaasi ku qabto ma jirto xisbigu maamul iyo hogaan buu leeyahay wax naga soo go’dayna ma jirto. Haddiise ay timaad ama meel fog halaga soo sheego ama meel dhawe haddii ay timaad aan talo isugu nimaadno waa markeeda iyo maalinteeda, haddii ay deegaamadu yidhaahdaan aan tashano oo xisbiga u yimaaddaan xaq bay u leeyihiin laakiin wali ma jirto talo xisbigu ku go’aansaday in uu Burco ama Ceerigaabo tago, qorshe noocaasi ahi ha ma dhicin. Hadda Guddoomiyuhu dalka ayuu dibadda uga maqan yahay, waxaanan sugaynaa maalinteeda” ayuu yidhi Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo HCTV la hadlay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *