Xisbiga Udub Oo Sheegay In Musharixiinta Madaxtooyadda Lagu Ansixin Doono Shirwayne, Guddida Diwaangalintana Ugu Baaqay Inay Laalidoodii Ka Noqdaan

Hargeysa (Foore)- Xisbiga UDUB, ayaa War-saxaafadeed uu xalay soo saaray isla-markaana uu warbaahinta soo gaadhsiiyay ku simaha xoghayaha guud ee Cabdixaliim Maxamed Muuse, ku sheegay in Musharixiinta Madaxtooyadda ee ay guddida diwaangalintu laaleen lagu ansixin doono shirwaynaha xisbigaasi.
Sidoo kale, xisbiga UDUB, waxa uu ugu baaqay guddida diwaangalinta inay si deg-deg ah uga noqdaan go’aanka ay ku laaleen Musharaxnimadii Cali Maxamed Waran-cadde iyo Axmed Xaaji Daahir.
Qoraal xisbiga UDUB u diray guddida diwaangalinta oo uu ku saxeexan yahay Daahir Rayaale Kaahin ayaa lagu yidhi “Mudanayaal waxaanu u aragnaa inaad ku deg-degteen, asluubtii masuuliyadeedna uu ka baxsan yahay qoraalka aad noo soo qorteen kuna baahiseen warbaahinta kala duwan, waxa kale oo fool xumo ah ,, cadaaladana baalmarsan inaydaan ka hadlin musharixiin hore uga sharaxan xisbiyo, sida UCID, kuwaas oo aan ilaa hadda laga ansixin shirwayne xisbi, waxaanu ka codsanaynaa guddida diwaangalinta ururada iyo ansixinta axsaabta qaranka inay sida ugu dhakhsaha badan go’aanka aan sharciga ku dhisnayn ee sida ka fiirsi la’aanta ah ugu degdeeen wakhti xaasaasi ah oo doorashadii deegaanku fooda inagu soo hayso oo u muuqan kara mid ujeedo gaar ah laga leeyahay”

Sidoo kale, qoraal xisbiga UDUB u diray guddida diwaangalinta ururada ayaa lagu sheegay in Musharixiinta xisbiga laga ansixin doono shirwayne xisbi.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *