Search

Xisbiga UCID Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqay In Aanay Xukuumadda Iyo Golaha Wakiilada Aqoonsanayn Wixii Ka Dambeeya 26-Ka June

“Mawqifkayagu Hore Ayuu U Caddaa Oo Ma Aqoonsan Doono Xukuumadda Iyo Baarlamaanka Wixii Ka Dambeeya 26 June”… Cali Guray

Hargeysa (Foore)- Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa sheegay inaanay wixii ka dambeeya 26ka Bishan aynu ku jirno ee Juun aqoonsanayn gabi ahaanba xukuumadda talada dalka haysa iyo Golaha Wakiilada toona. Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey) oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Hargaysa ayaa sheegay in haddii xukuumaddu inta ka horreysa wixii lagu heshiiyay ka hadli waydo isla markaana shaacin waydo aanu xisbiga UCID aqoonsanayn xukuumadda iyo baarlamaanka midnaba.
“Mawqifka xisbiga UCID waxa uu ahaa inta ka horraysa 26-ka Juun haddii aan waxba lagu heshiin oo aan la isku iman, annagu aqoonsan mayno xukuumadda, walaa Baarlamaan ayaanu sharci u aqoonsanaanaynaa, walaa Xukuumad. Annagu waxa aanu qabnaa in wax lagu heshiiyay in la wada hadlay oo Madaxwaynuhu ku baaqay oo madaxwayne ku xigeenkiisu hoggaaminayay oo gogosha isagu fidiyay oo wax lagu heshiiyay” Ayuu yidhi Cali Gurey. Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID Muj. Cali Gurey waxa uu sharraxay heshiishkii dhawaan xisbiyada iyo xukuumada ku dhexmaray magaalada Hargaysa ee ahaa wakhtiga doorashada la qabanayo, isaga oo arrinkaasi ka hadlayana waxa uu yidhi: “Waxa lagu heshiiyay taariikhda doorashad la qabanayo,waxa lagu heshiiyay inay doorashadaas dhacdo December annaguna waxa aanu ogolahay inay doorashadaasi dhacdo 2016ka,halka uu Guddoomiye Saleebaan leeyahay ha dhacdo 2017”ayuu yidhi Cali Gurey. Guddooyaha saddexaad ee xisbiga Ucid Cali Gurey waxa uu ka dareen celiyay hadal dhawaan ka soo yeedhay Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,kaasi oo wax laga waydiiyay sida uu u arko heshiiskaasi ay wada gaadheen xisbiyada qaranka iyo xukuumadda Somaliland. “Madaxwaynuhu waxa uu yidhi sida sharcigu sheegayo ayaa la raacayaa,waxa loo baahan yahay inuu ka rumeeyo,halka ay ku taalo xeerka odhanaya Saleebaan Gaal ayaa qabanaya Taariikhda doorashada,halka uu Madaxwaynuhu ka sharciyaynayo hadduu leeyahay waa sharci waxa wanaagsan inuu noo sheego”ayuu yidhi Cali Gurey. Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID Cali Gurey waxa uu sheegay inaanay wali jawaab ka helin xukuumada iyo xisbiga Kulmiye heshiiskii ay wada gaadheen. “Waxa ilaa maanta Kulmiye iyo madaxwayne ku xigeenkii u dhaqaajin laayihiin wixii aanu ku heshiinay su’aal ayaa saaran,in la dardar galiyo oo la socodsiiyo ayaa loo baahan yahay,su’aashu waa yaa xaq u leh taariikhda doorashadu dhacayso,waxaana xaq u leh waa komishanka doorashooyinka Somaliland,meel madaxwaynuhu Saleebaan iyo Guurtida ka siin karo ma jiro”ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee Ucid. Guddoomiye ku xigeenka xisbiga UCid Waxa uu sheegay inay madaxwaynaha Somaliland ka sugayaan jawaab,sidoo kalena guddoomiyaha xisbiga Kulmiyena ka sugayaan jawaab ku saabsan heshiiskaas. “Waxa aanu madaxwaynaha ka sugaynaa,oo madaxwaynaha ka sugayaa oo guddoomiyaha xisbiga Kulmiye waxa aan leeyahay maxaa u jeedeen ma been ayaad dadka u sheegaysaan ,waad ogtihiin inaanay guurtidu xaq u lahay cayimida doorashada”ayuu yidhi Cali Gurey. Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga Ucid Waxa uu sheegay inaanay aqbalay haddii heshiiskii ay wada gaadheen saddexda xisbiga gidaar lagu tiiriyo isla markaan laga talaabsado. “Annagu waxa aanu jecelahay in si nabad galyo ah doorashadaa loo dardar galiyo,heshiiskii haddii ay gidaarkaa isaga tuurana ay dhagoolaynayaa danba waa la iskugu dhici” Cali Gurey. Xukuumada iyo saddexda xisbi qaran ayaa dhawaan wada gaadhay heshiis ku saabsan wakhtiga rasmiga ah ee la qabanayo doorashada madaxtooyada iyo golaha wakiilada Somaliland.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *