Search

Xisbiga UCID oo si adag u cambaareeyay Dastuurka cusub ee Soomaaliya Iyo Wasiirka Khaarajiga Somaliland

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xoghayaha arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Haaruun, ayaa cambaareeyay dastuurka cusub ee Soomaaliya oo ay ku jiraan qodobo sheeganaya gobolo ka mid ah Somaliland.

Sidaasna waxa uu ku sheegay war-saxaafadeed u dhignaa sidan:-

“Todobaadkii tagay ee bishan August 2012 ugu horeeyay, waxa jiho-wareer xoogani ka jiray Wararkii is burinaayay ee ka soo baxaayay Wasaarada Khaarajiga ee Somaliland oo sida muuqata, ay ku adkaatay mawqifkii ay ka qaadan lahayd distoorkii dhawaan loo sameeyay wadanka Soomaaliya.

Sida la wada ogyahay, distoorka kowdii bishan August Muqdisho lagu ansixiyay wuxu si badheedh ah u sheeganayaa gabi ahaanba dhulka Jamhuuriyada Somaliland, waxaanu ka digayaa in la kala qaybiyo dhulka waxa loogu yeedhay Jamhuuriyada Fadaraalka ah ee Soomaaliya! Sabab ugu wacnaydba, Wasiirka Khaarajiga ee Somaliland, Mr Cumar ayaa 2dii August, 2012 soo saaray mawqifka rasmiga ah ee Somaliland isagoo distooorka la ansixiyay soo dhaweeyay, sheegayna inay tahay talaabo nabad u keeni karta Soomaaliya. Isla dhawr maalmood kadib, oo ah 6dii isla bishan August, Wasiirku wuxu sii daayay war mawqifkiisii hore burinaaya, waxaanu si kala dhiman u cambaareeyay distoorka, isagoo sheegay inuu qaybo dulka Somaliland ah sheeganaayo, halka uu distoorku gabi ahaanba dhulka JSL wada sheeganaayo.

U fiirso qodobka todobaad ee Distoorka, gaar ahaan faqradaha 1aad, 2aad, iyo 5aad, oo si waadix ah u astaynaaya tilmaanta dhuleed ee waxa loogu yeedhay Jamhuuriyada Fadaraalka ah ee Soomaaliya:-

(1) Gobannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay koobeysaa dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo idil, oo ay ku jiraan berriga, badaha, jasiiradaha iyo uurkooda hoose, hawadooda Sare iyo geyi-qaaradeedka iyo dhul iyo biyo-goboleed kasta oo ku soo biira Jamhuuriyadda Soomaaliya, si waafaqsan sharci uu Baarlamaanka Qaranku ansixiyo.

(2) Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa laguma xad-gudbaan, lamana qaybin karo.

(5) Jihooyinka xuduudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya: Waqooyi: Gacanka Cadmeed; Waqooyi Galbeed: Jabuuti; Galbeed: Itoobiyia; Koonfur Galbeed: Kenya; Bari: Badweynta Hindiya.

Sidda kor ku xusan, distoorka Soomaaliya wuxu ku qoranyahay ereyadaas cadaanka ah, mana aha wax qofnaba u dhuuman kara. Sidaas darted, Xisbiga UCID iyo umada Somaliland ba uma muuqan wax distoorkaas loogu sacabiyo iyo sabab mawqifyo is burinaaya looga soo saaro toona, waana wax aad looga xumaado. Wadanka Soomaaliya wuxuunbuu inoola mid yahay wadamada dariska ah oo kale sida Ethiopia, Djibouti iyo Yemen, hadii ay kuwaasi distoor cusub samaystaan, oo ay dhulka Somaliland sheegtaan wixii lagaga jawaab celin lahaa uun baanay tahay in lagaga jawaabo, laakiin waan soo dhawaynaynaa, hadana waan dhaleecaynaynaa meesha ma taalo. Waxay taasi muujinaysaa laba uun midkood, waa bisayl la’aan siyaasi ah, amaba inay jirto ujeedo qarsooni, labada kay tahayna waa qalad.

Xisbiga UCID wuxu isku day hubin iyo xaqiijin ah ugu tagay Wasaarada Khaarajiga, wax natiijo ah oo na qanciyaana kama soo bixin haba yaraatee. Xisbiga UCID wuxu ereyada ugu adag ku cambaaraynayaa distoorka Soomaaliya loo abuuray oo si badheedh ah u burinaaya wixii rajo ah ee laga qabay is faham dhex mara Somaliland iyo Soomaaliya, iyo, mawqifka aadka u liita ee uu istaagay Wasiirka Khaarajiga ee Somaliland, oo ku fashilmay inuu ka turjumo rabitaanka umada. Qaladaadka noocan oo kale ah, iyo kuwa la midka ah, ee tirade badan, oo qaarkood aan hoos ku xusi doono, waxay kalsooni darro ku abuurayaan shacabka iyo dawlada dhexdooda, isla markaana waxay keenayaan khalkhal siyaasi ah oo aan loo baahnayn.

Dhaqdhaqaaqyada hogseegga ah, ee dadka Somaliland aanay tafsiir u heli Karin waxa ka mid ah, ogolaanshaha la ogolaaday inay wadamada caalamku Hargeysa ka furtaan qunsuliyado, kuwaas oo ka hoos shaqayn doona safaaradaha Muqdisho ay ku leeyihiin. Wasiirul Khaarajiga Somaliland wuxu in badan dadka ugu bushaareeyay inay dawlada Ingiriisku xafiis madax banan Hargeysa ka furan doonto, xafiiskiina wuxu noqday qusuliyad ka hoos shaqayn doonta safaarada Ingiriiska ee Soomaaliya oo Muqdisho dhawaan laga furaayo. Sidaas waxa July 2012 Hargeysa kaga dhawaaqay safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya oo booqasho wadanka ku yimid. Sidoo kale, waxa wadada UK qaaday oo iyana qusuliyado furanaaya Turkiga oo soo socda iyo Denmark oo iyadu xafiiskaas furtayba. Marka distoorka Soomaaliya ee midnimada qeexaaya la soo dhaweeyo, ee caasimada Hargeysa la ogolaado in laga furo qusuliyado ka hoos shaqeeya safaaradaha Muqdisho ku yaala, maxay taasi ka dhigantahay? Ama ha loo jeedo ama yaan loo jeedin, laakiin talaabooyinka noocaas ahi waa geedigii oo dib loo raray, iyo is dhiibid bilaa shuruud ah. Hadii la aqbalo qusuliyad safaaradeedu Muqdisho fadhido, sharci ahaan waxad ogolaatay inay Hargeysa tahay gobol Soomaaliya ka mid ah.

Marka la qiimeeyo tasarufka noocaas ah, oo lagu daro dooda uu Wasiirka Khaarajigu qabo ee ah inaanay siyaasada Somaliland ee arimaha debeddu u baahnayn wax qorshayn ah, (Foreign policy strategy), oo uu marar badan, meelo badan kaga dooday, ilaa maantadan na aanay Somaliland qorshe lagu hago siyaasadda arimaha debedda lahayn. Ee lagu daro ka qayb galkii shirkii Turky ee May 2012 oo fadeexado ka dhasheen qaabkii madmadawga badnaa ee looga qayb galay oo aan ilaa hadda tafsiir laga bixinin. Ee lagu daro dhawaaqii aan laga fiirsanin ee Wasiir Khaarajigu badhtamihii bishii May ku sheegay inay Somaliland urur-goboleedka IGAD xubinimo aan rasmi ahayn ka helayso, hadana ayaamo aan badnayn kadib uu warkaas afkiisa ku buriyay kadib markii ay IGAD ka dalbatay inuu sidaas yeelo. Ee lagu daro dhawaaqii bishii July 2012, uu Wasiir Khaarajigu ku dhawaaqay in wadahadalkii Soomaaliya lala lahaa la joojiyay, iyadoo aanu hay’adihii qaran ee hawshaas kula jiray waxba ka ogaysiinin. Sidoo kale, wax hadal ah oo socdayba ma jiraan xaqiiqo ahaan, sidaas darted hadallo la hakiyaaba ma jiraan, waxaanay muujinaysaa bisayl la’aan iyo dagdag.

Intaas oo dhan marka la isu geeyo, waxa soo baxaaya natiijo aan qurux badnayn, siyaasada arimaha debedda ee qarankuna maaha shir laga qayb galo, iyo hadba war aan laga fiirsanin oo la iska sii daayo ee waxay rabtaa aqoon iyo dadaal dheeraad ah. Isku soo wada duub, Xisbi ahaan waxaanu guud ahaan dawlada, gaar ahaan madaxwaynaha ugu baaqaynaa inuu umada Somaliland u cadeeyo dhaqdhaqaaqyada aan kor ku xusnay jihada ay u socdaan, iyo inuu Wasaarada Khaarajiga oo aqoon darro iyo dhacdhac badani ka muuqdo hoos u eego. Dawlad kastaa boog ay iska daawayso, ama u dhimato ayay leedahay, boogta dawlada Madaxwayne Silanyo na waxay ka bilaabatay Wasaaradaas, wixii laga yeeli lahaana Madaxqwaynaha ayaa looga fadhiyaa.”

Foore/Editor General

@Saddam Mohamed.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *