BREAKING NEWS
Search

Xisbiga UCID Oo Guddoomiye U Magacaabay Gobolka Maroodi-Jeex

Hargeysa (Foore)- Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa Cabdiraxmaan Aadan Sh Maxamuud Sh Haaruun u magacaabay inuu ahaado Guddoomiyaha cusub ee xisbiga UCID ee gobolka Maroodi-jeex.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray Guddoomiyaha UCID, kaasi oo u dhignaa sidan:-

“Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID, waxa uu u magacaabay maanta oo ay Taariikhdu tahay 08/09/2012 in uu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Mudane Cabdiraxmaan Aadan Sh Maxamuud Sh Haaruun, si loo derder geliyo hawlaha Xisbiga ee Gobolka maadaama ay nagu soo fool leeyihiin doorashooyinkii Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargeysa.

Sidaa awgeed dhamaan waxa lala socodsiinayaa Garabada Dhalinyarada, Haweenka, Heer Qaran, Heer Gobol iyo Degmo-ba in ay u fududeeyaan hawlihiisa shaqo, si uu Xil-gudashadiisa maamul u hanto.”




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *