Search

Xisbiga Mucaaradka Ah Ee UCID Oo Dib U Dhigay Shir Weynihiisii Golaha Dhexe

Hargeysa (Foore)-Xisbiga UCID ayaa shirkoodii Golaha dhexe oo ay hore ugu qoondeeyeen 25-ka Bishan dib ugu dhigay bacdal ciid. Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga UCID Md. Xasan Cismaan Aadan (Sabce), waxaanu u dhignaa sidan:-
“Waxaanu maanta warsaxaafadeedkan idinku cadaynaynaa go’aankii ku taariikhaysnaa 22/09/2012 isla Markaana sumadiisuna ahayd Ref/UCID/825/2012 ee sheegayey cayimaada kal-fadhiga 5aad golaha dhexe ee Xisbiga ucid kaas oo qabsoomilahaa 25/10/2012 —–ilaa 26/10/2012.

Hadaba waxaanu Xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga ucid ogaysiinaynaa in wakhtigaasi ku beegan yahey Ciidul Adxa
Sidaa,daraadeed waxaa la go,aamiyey in laga dhigo 28/10/2012 oo ah maalin Axada
Sidaa Awgeed waxa la farayaa dhamaan Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga UCID Dibad iyo Gudaba in ay joogaan ugu danbayn magaalada Hargeysa 27/10/2012.

Ugu danbayntii waxaa si xushmada leh laydunku adkaynayaa in aad wakhtiga dhawrtaan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *