Xisbiga Kulmiye Oo Murashaxiintiisa Degmada Ceel-Afweyn Soo Bandhigay

Ceel-afweyn (Foore)- Wasiirrada wasaarada wasaaradaha ,Gaashaandhiga, Wasaarada Duulista Hawadda,Wasiirul dawlaha wasaarada Maaliyadda iyo Gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee Xisbiga Kulmiye Xildhiban C/raxmaan Talyanle, ayaa shalay ka qayb galay xaflad Xisbiga Kulmiye ku soo bandhigay 17 murashax ee xisbiga uga qayb galaya Doorashada Golaha degaanka ee Degmada Ceel-af-weyn ee gobolka Sanaag.

Xafladan lagu soo bandhigayay Murashaxiinta Golaha degaanka Degmada Ceel af-weyn ee xisbiga KULMIYE, waxa halkaasi ka hadlay Wasiiru dawlaha wasaaradda maaliyadda Md. Cismaan C/laahi Saxardiid (Cadaani), waxaanu ka waramay wax-qabadka dawlada iyo horumarka dalku ku talaabsaday Mudadii ay xukuumadda Axmed Siilaanyo jirtay.

Wasiirul dawluhu Waxa uu tilmaamay hadafka iyo yoolka mustaqbalka la higsanayo in dalku ku talaabsado.
Gudoomiye ku xigeenka sadexaad ee xisbiga kulmiye Xildhiban C/raxmaan Talyanle oo xafladaasi ka hadlay ayaa ka waramay dedaalka Xisbiga Kulmiye ee ku wajahan u diyaar garowga doorashada golayaasha degaanka ee dalka dhawaan ka qabsoomi doonta
Guddoomiye Ku xigeenku waxa uu taageereyaasha iyo dadweynaha gobolka Sanaag ka dalbaday inay codkooda siiyaan xisbigooda oo uu tilmaamay in haddii ay ku guulaystaan awooda saari doonaan horumarinta adeegayda dawladaha Hoose u hayaan bulshada.

.Dhinaca kale, waxa weftigani ay Salaasadii ka qeyb galeen xaflad noocan oo kale ah oo xisbiga KULMIYE ku soo babdhigayay murashaxiintiisa Golaha deegaanka ee degmada Gar-adag ee gobolka Sanaag.
Weftigani waxay shalay duhurkii u kicitimeen magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *