Search

Xisbiga Kulmiye Oo Muddeeyey Xilliga Uu Qabsoomaya Shirka Golaha Dhexe Ee Xisbigaasi.

Assalaama Calaykum Waraxmatulahi Wabarakaatu:Ugu horeyn waxa aanu u mahad naqanayna dhamaan warbaahinta maanta halkan noogu timid.
Waxa aanu aqoon sanahay in warbaahintu xil culus u hayaan qaranka.

Jawaabta Somaliya

Inteenii maqashay maalmahan madaxwaynaha soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud waxa uu ka yidhi muqdisho –Shirkan fadaraalka ah mabda’iyan Somaliland way ku jirtaa, waxaan eegaynaa farsamooyinkii ay uga qayb gali lahaayeen–. Ninbaa laga hayaa arin uu ka yaabay:ninka yidhi waxbaan gani aniga gol iyo cayn jooga ee yidhi badii garcad yaan gudub u waydaarin godka lagu cadaabyoow, muxuu go’uhu been sheegay. Weedhaasi waa mid gaf iyo meel ka dhac ku ah qaranimada somaliland, waa gardaro badheedha, waa mid sii kala fogaynasa shacbi Somaliland iyo Somalia. Somaliland magan ugama aha qaranimadeeda, Illaahay mooyaane cid kale , dantu waxay ku jirta xasanoow in aynu noqono laba qaran oo daris ah oo is ixtiraama.

Arrinta Golaha Wakiilada

Gacan ka hadalkii dhex maray shir gudoonka golaha wakiilada Somaliland, sharaf dhac iyo foolxumo ayuu ku ahaa qaran ka Somaliland, iyada oo labada odayba canaanta wada leeyihin, hadana somalidu waxay tidhaahdaa, ( hadii qooni timaado qardabo hadhay), sidaa darteed gudoomiyaha (Cirro) hadii uu ku gafay ku xigeen kiisu inuu gacan qaadaa milgihiisa may ahayn, laf jabka ugu wayna waxa uu ahaa markii laga daawaday warbaahinta gudoomiyiihii oo feedh ku garaacaya ku xigeenkiisa. Muuqaal kaasi waxay su’aal galinaysaa, adkaysiga iyo taxamulka uu qofku u yeelan karo culayska siyaasadeed.

Waxaa dareen keeda leh, iyada oo haldoorkii xisbiga Wadani si qayaxan ay ugu taageereen gacan-kahadalkii gudoomiyahooda, waxay taasi tilmaamaysaa in xisbiga wadani isu raacsan yihiin gafka gacan ka hadalka gudoomiyohooda waana arrin khalad ku ah curfiga siyaasadeed ee Somaliland, xisbiga wadani waxaynu waydiinaynaa xilalka qaranka miyaan lagu iman doorasho. Madaxwaynaha, ku xigeenka, xildhibaanada iyo shir gudoon kooduba miyaanu distoorku qeexayn inay ku imanayaan doorasho mise kursiga wadani ku fadhiistaa waa lama taabtaan.
Arrinta Haamaha Shidaalka

Arintaa la xidhiidha haamaha shidaalka ee la hadal hayo, habka maamulka ee xukuumadu u qorshaysay kama uu soo gudbin golaha xukuumadda. Ma aragno heshiis xukuumadu cid la gashay oo ay u soo gudbisay Golaha wakiilada ,arintaas wali waxa gacanta ku haysa oo ka baaraan degaysa xukuumada, sidaas darteed dadka arintaas faalaynaya hasugaan marka heshiiskaasi kasoo dhamaado xaga xukuumada, cidii talo haysaana waxa ay u gudbin kartaa xukuumada, waxaynu nahay dad talo wadaag leh oo is dhegaysanaya. Sawaxanka siyaasadeed ee mucaaridku hor boodayaa talo soo jeedin maaha ee waa goolaaftan siyaasadeed. Si kastaba arrinkani waa arrin maamul oo masuuliyadeed.
Shirka Xisbiga Kulmiye
Waxaynu ognahay in dadka xiiseeya arimaha siyaasadu baryahan dambe oo dhan ka faaloonayeen shirkii golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye. Xisbi ahaan taa waanu ku farax sanahay waayo, waxa aanu u aragnaa in ummadda Somaliland dhamanteed danaynayaan geedi socodka xisbiga. Taasi waxay muujinaysaa ummada inteeda badan rajada mustaqbalkeeda ka dhex eegayaan xisbiga kulmiye.

Dhinaca kale hadal haynta xisbiga kulmiye waxay muujinaysa in shacbigu ka marag kacaayo, wax qabadka horumarineed ee xukuumada kulmiye fulisay shantii sano ee ay xilka haysay. Xisbiga Kulmiye isagoo dareemaya kalsoonida shacbigu u muujiyay, isagoo ka falceliniya dareemada dadku ka naawilayaan mustaqbal dhaw iyo ka fogba. wuxuu si hagar la’aan ah fikir iyo fulinba ku dadaalayaa:
in uu ka midho dhaliyo hiigsiga iyo himilada shacbiga somaliand ee ah,
in somalialand hesho aqoonsi buuxa kana mid noqoto golayaasha caalamiga ah ee dawladuhu ku wada arinsadaan UN, AU. IWM.

In Somaliland noqoto dal dimuqraadiya, dal dhaqalihiisu kobco oo ka horumara dhinaca aqoonta, caafimaadka iyo arimaha bulshada.
In somalalinad noqoto dal uu hogaamiyo sharicigu, dimuqraadi ah, madaxdu ku timaado doorasho muwaadinintuna u siman yihiin xuquuqda dhinac wac walba.

Xisbiga kulmiye hogaankiisa, gudigiisa fulinta, golihiisa dhexe iyo taageerayaashiisuba waxay si aada uga baaraan dagaan shirarkooda iyagoo ku lafa guraya arimaha kor ku xusan, kadibna go’aamiyaan waqtiga ku haboon ee shirku qabsoomayo. Waxa ilaahay mahadiiya in maanta xisbiga kulmiye isla qaatay mudayntii qabsoomida shirkii golaha dhexe. Xisbiga kulmiye waxa uu dheer yahay xisbiyada kale, waa xisbi leh musdambeed arimuhu markay adakaadaan talo iyo tilmaamba ugu noqdo, Aasaasihiii xisbiga oo hadda ah madax waynaha dalka tilmaam tiisa iyo taladiisa ayuu kulmiye in badan kaga badbaadaa dhibaatooyinka soo wajaha.

Hadaba, markii aanu xisbi ahaan isla eegnay waqtiga ugu haboon ee shirku qabsoomi karo, waxaanu isla garanay in shirka golaha dhexe ee xisbigu qabsoomo 10 ka November 2015. Sidaa darteed dhamaan golaha dhexe ee xisbiga waxaa laga codsanaynaa in ay u diyaar garoobaan shirka.
SOOMAALILAND HA NOOLAATO.
GUDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE.
MUUSE BIIX CABDI.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *