Search

Xisbiga Kulmiye Oo Loo Aanaynayo Inuu Soo Maleegay Shirqoolkii Lagu Sad-Qeeyay Afarta Xildhibaan Safarkii Cirro Kadib Iyo Dareenada Soo Baxaya

Hargeysa(Foore)- Erigii Afarta Xildhibaan ee ay Ku-xigeenada Shirguddoonka Golaha Wakiiladdu ku beegeen fulintiisa maalin kadib markii uu Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda isla markaana ah Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Wadani dalka Dibeda uga baxay ayaa daboolka ka qaaday dagaal Siyaasadeed Huursanaa oo Kulmiye la maaganaa C/raxmaan Cirro oo ay u arkaan inuu taageero ka haysto Xukuumadda.
Sida Ilo wareedyo ay Waaheen heshay sheegayaan waxa soo baxaya If-faalo muujinaya in Eriga Afartii Xildhibaan ee Golaha laga Eryay markii ay Warbaahintu ka daba tuurtay C/raxmaan Cirro ee ay ugu geysay Dalka Ingiriiska oo uu Olole kaga jiro uu aad uga xumaaday isla markaana Xidhiidh uu ku hor joogsanayo talaabadaasi la soo sameeyay ku-xigeenadiisa balse la sheegay inaanay uga jawaabin sababta keentay.
Ilo wareedyadaasi sida ay Iftiiminayaana waxa soo baxaya in ay talaabadan Shirguddoonka ku duduuceen ama ay soo hordhigeen Hogaanka Xisbiga Kulmiye gaar ahaana Guddoomiyaha Xisbiga Klmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Kaahin Axmed oo kaashanaya Xildhibaano ay isku xulafo yihiin oo ka soo horjeeda labada Xil ee uu C/raxmaan Cirro isku hayo ee keenay Dooda culus.
Inkasta oo aanay ilaa hada jirin hadalo toos ah oo ay isweydaarsadeen Shirguddoonka Golaha Wakiiladdu hadana waxa Suuq soo galay dhawr arrimood oo loo aanaynayo in loo qaaday Talaabada Eriga Xildhibaanada, kuwaasoo kala ah Khilaaf dhinaca Loolanka awooda ah oo ka dhex jira Xukuumadda, Kulmiye iyo Mudanayaasha Golaha Wakiiladda dhexdooda.]
Dareenada dhex yaala kooxahan oo ay qaarkood-na muuqdaan qaarkood-na yihiin kuwo biyo hoostood la sika hirdiyayo ayaa u dhaxeeya Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiiladda isla markaana ah Guddoomiyaha Ku meel gaadhka ah ee Golaha kaasoo la sheegay in uu la safan yahay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi isla markaana ay doonayaan in ay kala jaraan Xukuumadda iyo C/raxmaan Ciro oo si weyn iskugu xidhan, kaasoo ay u arkaan haddii uu sii socdo inuu isku heli doono labada awoodood ee uu isku haysto.
Sidoo kale waxa jira Loolan ka kale ee u dhaxeeya Wasiir Samaale iyo Muuse Biixi oo isna la sheegay inuu saamayn ku leeyahay arrimahan maadaama sida laga dhadhansan karo kooxahani sida ay xulafada u kala yihiin loo tiriyo Samaale oo u taagan Musharanimadda Kulmiye ay C/raxmaan Cirro Saaxiib dhaw yihiin, isla markaana ay jiraan qorshayaal Siyaasadeed oo ay si hoose iskugu taageeraysanayaan. Taasoo ay qoloba qolada kale doonayso inay kaga awood roonaato dhinaca Siyaasadda iyo awooda Xukuumadeedba.
Dhinaca kalena Xurguf Siyaasadeed oo u dhaxaysa Siyaasiyiinta Gobolka Sool ayaa la sheegayaa inay arrintani saamayn ku leedahay taasoo ka dhalatay Xukuumadda oo dhinaca saartay Koox siyaasiyiin ah oo ka soo horjeeda Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax oo imika ah ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda, kaasoo la hadal hayo inay Xidhiidh dhaw leeyihiin Hogaanka Xisbiga Kulmiye oo si ugu muuqda inay siyaasad ahaan ka fog yihiin Aqalka looga Arrimiyo Dalka.
Si kasta ha ahaatee dhacdadan lala eegtay Maqnaanshaha Guddoomiye Cirro ayaa ah dabar siyaasadeed oo lagu yagleelayo sidii loo burburin ah lahaa kooxda Cirro iyo saaxiibadii ee galaangalka dhaw u leh Madaxtooyadda isla markaana loo kala fur furi lahaa Awooda Siyaasadeed ee Ururka Wadani la soo baxay, iyadoo la doonayo in lagu wiiqo Tartanka soo fool ka leh. Maadaama uu u muuqdo Ururada ku soo bixi kara sadexda Xisbi Qaran.
Isku soo duuboo Garabyadda arrintan isku haya oo dhamaantood ka soojeeda Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ayaa haddii aan hore damin noqon doonta mid garteeda lagu raago, oo la mid noqon doonta tii ka dhex qaraxday Shirguddoonka Golaha Guurtidda ee isku qabtay awood uma lihid talaabadaas aad qaaday iyo waan u leeyahay.

Xigasho: Waaheen




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *