BREAKING NEWS
Search

Xisbiga KULMIYE Oo Dhamaystiray 26-Ka Murashax Ee Ay U Xuleen Degmooyinka Bali-Gubadle Iyo Salaxley

Sallexley (Foore)- Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo oo isagu jira Wasiiro, Wasiir ku xigeeno, xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan xisbigaasi ayaa maanta ka qeyb galay xaflada lagu soo bandhigayay 26 Murashax oo doorashada golayaasha deegaanka uga qeyb galaya xisbiga Kulmiye degmadooyinka Baligubadle iyo Salaxley.

Gudoomiya xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay xaflad lagu qabtay Magaalada Bali-gubadle oo lagu soo bandhigayay 13 ka xildhibaan ee KULMIYE u sharaxay doorashada deegaanka degmadaasi, ayaa ka waramay taariikhda magaalada Bali gubadle ay ku leedahay halgankii hubaysnaa ee xoraynta wadanka,isagoo bulshada deegaankaasina uga mahad celiyay sida qiimaha leh ee ay u soo dhaweeyeen weftigiisa.

Gudoomiyuhu waxa uu intaa raaciyay in ay is garab taagayaan Murashixiinta xisbiga uga sharaxan degmooyinka Baligubadle iyo Sallaxley isla markaana u rajaynayo inay ku guulaystaan.

Sidoo kale Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf ,Wasiirada Cadaalada Mudane Xuseen Axmed Caydiid, Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Warfaafinta Mudane C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse), Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) iyo Madax kale oo madashaasi ka hadlay ayaa sheegay sida ay ugu kalsoon yihiin in Murashixiinta uu soo bandhigay Xisbiga Kulmiye ay yihiin kuwo ka midho dhalin kara waxqabadka ummadu ka filayso.

Geesta kale xaflad taas la mid ah ayaa weftiga gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye hogaaminayay kaga qeyb galeen degmada Salaxlay oo lagu soo bandhigayay sedex iyo toban xildhibaan ee xisbiga kulmiye uga sharaxan degmadaasi.

Waxaanay masuuliyaanta xisbiga, iyo xildhibaanadu ugu duceeyeen in ay guul ka gaadhaan tartanka ay gali doonaan Murashixiinta kale isla markaana ay xisbi ahaan la garab taagnaan doonaan taageero buuxda.
Gabagabdii waxa iyana halkaasi uga mahad celiayay weftiga masuuliyiinta dagmadda iyo Salaxlay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *