Search

Xisbiga KULMIYE Oo Casuumad Ku Sagootiyey Suldaanka Guud Ee Bariga Gobolka Sanaag

Hargaysa (Foore)- Xisbal-xaakimka haya talada Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa casuumad sagootin ah u qabtay Suldaanka guud ee beesha deegaanka bariga Gobolka Sanaag Suldaan Siciid Sul. Cabdisallaan Sul. Maxamuud Garaad Cali Shire oo muddooyinkii u dambeeyeyba ku sugnaa magaalada Hargeysa.
Casuumad qado ka dhacday huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa maanta, oo uu sameeyey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu maamuusay Suldaan Siciid Sul. Cabdisallaan Sul. Maxamuud iyo odayaal kale oo wehelinaya, kuwaas oo la filayo inay dhawaan u ambabaxaan deegaannada bariga Sanaag ee ay ka soo kicitameen. Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed oo hadal kooban ka jeediyey casuumaddaasi, ayaa sheegay in aanay garanwaayin xisbi ahaan inay maamuusaan suldaanka, balse ay ugu talogaleen in aanay cidi ka dambayn ee ay iyagu sagootintiisa qaataan,
“Aad baanu u soo dhawaynaynaa Suldaanka oo ah saldannada ugu guunsan Somaliland, suldaan adiga iyo odayaasha ku weheliyaba ambabax khayr qaba waxaannu idiinku ducaynaynaa ‘jidku toobiye, Qorraxdu dallaalimo,’ in Ilaahay idinku nabadgaliyo oo idinku nabad geeyo degaannadii aad ka soo kicitineen,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata uu tilmaamay kaalinta uu Suldaan Siciid kaga jiro Somaliland, waxaannu yidhi, “La iskuma cusba oo raggani waa kuwii horeba u wada joogay, suldaankuna waa suldaan ka mid ah salaadiinta reer Somaliland ah oo halkan hawlo fara badan ka galay, dalka oo dhana ka wada galay, suldaan waa dadkii aad suldaanka u ahayd oo ku leh waanu ku soo dhawaynaynaa, waanuna ku sii sagootiyeynaa.”
Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa ka mahadceliyey casuumadda hoggaanka KULMIYE u sameeyey suldaanka, waxaannu ka garaabay dib-u-dhaca casuumaddan, waxaannu yidhi, “Runtii waxa jirtay oo aniguba aan xogogaal u ahay, Guddoomiyaha xisbiga (Muuse Biixi) iyo Maxamed Kaahin-ba way ku talo jireen oo way na soo waydiiyeen, waanay danaynayeen imaatinka suldaanka, waqtigiina wuu is qoray oo waataynu dagaallo badan soo galnay, waana maalmo wanaagsan oo soo maray xisbiga, iminka ayuun bay casuumaddii ku beegantay, waa sagoontin wanaagsan.”




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *