Xisbi Qaran Ma iibsamo, Ururbaa Se iibsama!

Waxaa mar kaliya soo shaac baxay oo warbaahinta noocyadeeda kala duwan soo galay ururkii umada ayaa ku biiray xisbiga wadani , waxaa layaab iyo fajiciso noqotay oo bulshada noocyadeedaba la yaabeen oo yidhaahdeen gaboose ma qabiilbaa mise waa qaran ? su’aasho way da’ wayntahay laakiinse waxay u janjeedhaa in uu gaboose uu yahay nin qabiil waayo, waa mida koobaade ma tagi karo xisbiga kulmiye oo waxay isku hayeen siyaasada, talabaad ucid ayaa u banaaneed in uu galo ucidna wuu ka yabaalay oo wuxuu ku biiray wadani oo inaadeerkii iska leeyahay. Haddaba iyadoo ay inoo cadaatay gaboose in aanu ahayn siyaasi rug cadaaya. ayaa su’aasho ay tahay waa kii hamigiisu ahaa in uu madaxwayne ka noqdo dalka markaa hamigiisu talaw ma wuxuu isku badalay markuu wadani dalka qabsado in uu noqdo badhasaab. Soomaalilda ayaa ku maahmaahda wiilkii soo joog laga waayo soo jiifsaa laga helaa, mar haddii gaboose uu maanta ogalyahay isbahaysi xisbi markii horana diidanaa in la sameeyo isbahaysi ururo si ay u soo baxaan xisbiyo mug leh oo tayo dhaama kuwan, haddan u sii daadago muhimada waxa weeyi oo ay u eegtahay xisbi ma iibsamo oo xisbi qaran kuma biiri karo urur hadhay oo salaanka soo fuuli waayay markaa waa in uu ururku uu ku biiraa xisbi qaran ee jira oo la aqoonsan yahay. waxa weeyi dulucdu haddalku xisbi qaran ma iibsamo ee ururbaa iibsama, markaa gaboose ururkiisi hadhay raqdiisi wuxuu ka iibiyay xisbi wadani.
E-mail:kamaalsheekh1@hotmail.com
Somaliland,hargeisa




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *