Search

Xisaabiyaha Guud Ee Dawlada Somaliland Oo Ganafka Ku Dhuftay Amar Wasaaradda Maaliyada Uga Yimid Oo Ku Saabsanaa In Ku Xigeenkiisu La Saxeexo Jeegagga.

Hargeysa(Foore) – Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Somaliland Maxamed Cabdi Bade ayaa laga wariyay inuu ganafka ku dhuftay dalab amar ah oo uga yimid wasiirada Wasaarada Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan kaasi oo ku saabsanaa inuu jeegagga lacagta baanka lagala baxo uu la saxeexo ku xigeenkiisa Keyse Maxamed Cabdilaahi,arintaasi oo la sheegay inuu Xisaabiyaha guud meel adag ka istaagay,islamarkaana uu si cad u diiday qaadashada amarkaasi,waxaana Xarunta Xisaabiyaha Xisaabaadka guud shir ku dhex dhexaadiyay Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Sida warkan aanu ku helnay,Maalinimadii Arbacadii todobaadkii hore ayay wasiirada Wasaarada Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan warqadan oo amar ah u soo qortay Xisaabiyaha guud ee Qaranka Somaliland Md Maxamed Cabdi Bade kaasi oo ay ku amartay in maalintaasi laga bilaabo uu jeegagga lacagta lagu saarayo la saxeexo Ku xigeenkiisu,waxaanay arintaasi aad uga cadhaysiisay Xisaabiyaha guud oo sida la sheegay si weyn uga soo horjeestay qaadashada Amarkaasi lagu soo rogay. Sida la sheegay waxa uu Xisaabiyaha guud amarkaasi ka istaagay meel adag waxaanu go’aan ku gaadhay in haddii ay taasi dhacdo uu xilka iska casilayo,isagoo ku dooday in la keeno sababta keentay in amarkaasi lagu soo rogay,sidoo kalena aan waxba la isku qarin ee wax la isku sheego.
Maalinimadii Khamiistii ee isla Todobaadkii hore ayay shir Alaabada u Xidhan yihiin Xarunta Xisaabiyaha guud ee Hargeysa iskugu yimaadeen Wasiir Samsam Cabdi Aadan,wasiirul dawlaha Wasaarada maaliyada Somaliland Md Cadaani,Wasiir ku xigeenka wasaarada maaliyada, Masuuliyiinta xisaabaadka iyo maamulka ee wasaarada iyo Xisaabiyaha guud ee Qaranka Bade, waxa shirkaasi goobjoog ka ahaa wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xassan,oo sida la sheegay labadaasi masuul ku kula dardaarmay inay ilaaliyaan sharafta iyo milgaha qaranka,sidoo kalena iska jeediyaan isha umada maadaama oo ay joogaan Hay’addii lacagta ee ugu culayska badnayd. Lama garanayo waxa uu shirkaasi ku saabsana laakiin sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah hawl wadeenada wasaarada Maaliyadu waxa uu shirkaasi salka ku hayay arimo door ah oo wasiir samsam kaga cabanaysay Xisaabiyaha guud taasi oo u cuntami wayday Madaxtooyada oo Wasiir Xirsi u soo dirtay. Warar kale ayaa sheegaya inay jirto duruufo dhaqaale yaraan oo hor leh oo soo food saaray dawlada oo sabab u ah murankan ka dhex bilawday hay’addihii lacagta dawlada gacanta ku hayay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *