BREAKING NEWS
Search

xilibaan Aadan Tarabi Oogle oo Golaha wakiilada ka mid ahaa oo geeriyooday iyo Madaxweynaha oo Tacsiyadeeyey,aas kiisana ka qayb galaya.

Hargeysa (foorenews) Jan 22,2013 –Madaxwaynaha Somaliland ayaa shacabka ka Tacsiyadeeyay Geerida ku timid Aaden Tarabi Oogle oo ka mid ahaa golaha Wakiilada Somaliland, kaasi oo maanta lagu aasay Hargeysa.

War-saxaafadeed uu Madaxwaynuhu soo saaray ayaa u dhignaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Golaha wakiilada iyo Golaha guurtida Somaliland oo uu ka taciyadaynaayo geerida ku timid XILDHIBAAN AADAN TARABI Ogle oo ka mid ahaa xildhibaanada Golaha Baarlamaanka.

sidoo kale madaxweynuhu waxa uu tacsi taasi la mida u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo guud ahaan shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxay Marxuumkaasi, oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa maanta (22/01/2013).

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Golaha wakiilada, Golaha guurtida Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo”

Dhanka kale, Madaxwaynuhu waxa uu ka qayb-galay aaska Marxuumka, isaga oo mar labaad Tacsi u diray Marxuumka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *