Search

Xildhibaanaddii Beesha Ciise Kaga Jiray Goleyaasha Deegaanka Ee Saylac Iyo Lughaya Oo Is Casilay

Xariirad (Foore)- Toban Xildhibaan oo ka mid ah xubnaha Beesha Ciise kaga jira Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Lughaya iyo Saylac, ayaa maanta shir jaraa’id oo ay ku qabteen Magaaladda Xariirad kaga dhawaaqay inay iska casileen xubinimaddii Goleyaasha deegaanka.

Xildhibaanaddan ayaa sheegay In istiqaaladoodu ay ka dambeysay ka dib markii ay beel ahaan go’aansadeen inay iska casilaan Goleyaasha deegaanka ee Lughaya iyo Saylac oo ay ku doodeen in lagaga shubtay doorashadii deegaanka ee Somaliland ka dhacday 28-kii bishii November eek al-hore 2012-kii.

Xildhibaddan is casilay ayaa iskugu jiray sadex ka tirsan Golaha deegaanka Lughaya iyo 7 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha deegaanka Saylac.

Xildhibaanadda is casilay waxay magacyadoodu kala ahaayeen sidan:-

1)-Geesh Aadan Bille oo ka tirsanaa Golaha deegaanka ee degmadda Saylac.
2)- Aadan Cabdilaahi Boodhle, oo ka tirsanaa Golaha deegaanka ee degmadda Saylac.
3)-C/Naasir Jaamac Xoosh, oo ka tirsanaa Golaha deegaanka ee degmadda Saylac.
4)-Maxamuud Cigaal Wacays, oo ka tirsanaa Golaha deegaanka ee degmadda Saylac.
5)-Axmed Yaasiin Maxamed Barkhadle, , oo ka tirsanaa Golaha deegaanka ee degmadda Saylac.
6)- Axmed Migil Ciil-tire, oo ka tirsanaa Golaha deegaanka ee degmadda Saylac.
7)-Siciid Muuse Giirre, oo ka tirsanaa Golaha deegaanka ee degmadda Saylac.
8)- Xasan Maxamed Dhimbiil, oo ka tirsanaa Golaha deegaanka ee degmadda Lughaya.
9)-Muumin Muuse Ducaale oo ka tirsanaa Golaha deegaanka ee degmadda Lughaya.
10)-Ibraahim Jaamac Maydhane oo ka tirsanaa Golaha deegaanka ee degmadda Lughaya.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *