BREAKING NEWS
Search

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Oo Ka Gilgishay Fadeexaddii Musuqmaasuq Ee Lagu Xidhiidhiyey Isaga Iyo Maayarka Berbera

Hargeysa (Foore)- Gudoomiyaha Gudidda Dabagalka iyo ilaalinta Hantida Qaranka Golaha Wakiilada Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) ayaa beeniyey waxba kama jiraanna ku tilmaamay warar sheegayay in uu qayb ka ahaa Musuqmaasuq lagu xaday lacag kumannaan dollar magaalada Berbera oo uu la wadaagay Maayarka Berbera Cabdishakuur Ciddin.
Xildhibaan Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi waxa uu sheegay in aanay isaga marnaba ka suurtoobin eedaymayaa loo jeediyey isaga oo sheegay in uu tuhmayo in ay arrinkaasi ka dambeeyeen jihooyin ka baxsanaya baadhitaano iyo daba gal ilaalinta hantida qaranka ah. Xildhibaan Obama waxa uu sidan ku sheegay war-saxaafadeed uu shalay ka soo saaray arrinkaasi oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeyska Foore waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan: “Anigoo ah Xildhibaan Mohamed Ali Hersi ahna gudoomiyaha gudidda ilaalinta iyo Dabagalka Hantida qaranka ee Golaha Wakiilada JSL waxaan halkan ka cadaynayaa si adagna u beeninayaa warar maalmahan ku soo baxay qaar ka mida saxaafada Somaliland. Waxaan bulshada u Cadaynayaa in aanay Marnaba iga suurta galin in aan ku lug yeesho laaluush oo aan waydiisto masuul qaran haday tahay mid degmo, Gobol iyo mid Hay’adeedba.Mana jirto LAALUUSH iga soo gaadhay iyo sabab aan uga qaatoba Duqa ay saxaafadu xustay. Waxay soomaliladu ku maahmaahdaa qudhaanjoy ku quuso oo aan uga jeedo in duqa berbera isaga laftigiisu cadeeyey in aanay marnaba na dhex marin wax u muuqda laalush iyo wax isdaba marin. Waxaan saxaafada madaxbanaan oo aan ixtiraam badan u hayo u soo jeedinayaa in marka ay ku dhexjiraan baadhitaano wareed siiba musuq-maasaqa ay hubsiimo ku daraan oo ay iska ilaaliyaan Wararka aan la hubin ee ah “ waxaa lasheegaayey”. Arintan wuxuun baan u arkaa inay alifeen dad siyaasad ku lug leh oo ay damaqday ilaalinta iyo dabagalka aanu hantida qaranka ku hayno, waxaanan u sheegaynaa inaanay waxba u dhimi doonin shaqada aan qaranka u hayo. Mar labaaadna waxaan si adag Bulshada ugu cadaynayaa in aan ahay mudane ku astaysan in aan ladagaalamo Musuqmaasaqa iyo Laaluushka igamana suurowdo inaan shaadhkayga cad wasakh Mariyo. Alla Mahad leh”. Ayuu qoraalkiisa ku soo xidhay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *