Xildhibaan Gaadhi ugu deeqay Booliska degmadii laga soo doortay

Hargeysa(Foore) Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Marreexan) oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland , ayaa maanta ku wareejiyey Gaadhi Surf ah Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan, kaasi oo uu ugu tallo-galay in lagu caawiyo ciidanka bilayska degmada Qoryaale ee gobolka Togdheer oo ka mid ah degmooyinkii laga soo doortay.

Xaflada gaadhiga lagula kale wareega oo ka dhacaday xarunta Taliska Guud ee ciidanka bilayska, ayaa xildhibaan Cali Mareexaan oo ugu horrayn halkaas ka hadlay,ayaa sheegay inuu gaadhigan ugu talagalay Dagmada Qoryaale, waxaannu tilmaamay inay baahi badan ka dabooli doonto, isla markaana u fududayn doonto ciidanka bilayska Qoryaale inay hawshooda gutaan.
Taliyaha Ciidanka Bilayska CabdillaahiFadal Iimaan, ayaa si weyn ugu mahad-celiyey xildhibaan Cali Mareexaan, isaga oo ku sheegay inuu qaaday tallaabo ku dayasho mudan, wax weyna u kordhinaysa ciidanka bilayska, gaar ahaan Degmada Qoryaale.

Taliye Fadal waxa uu ugu baaqay bulshada Somaliland guddo iyo dibadba in gacan laga siiyo baahiyaadka ciidanka bilayska.

“Runtii waxaan uga mahadcelinayaa xildhibaan Cali Xasan oo tallaabada uu garatay inuu ku deeqo Saldhiga Dagmada Qoryaale. Annaga boolis ahaan sharaf ayey nootahay, waanan uga mahadcelinayaa, waana mid baahi weyn aannu u qabnay, tallaabadana waa mid waxa tar ah, waxaanan ugu baaqayaa in masuuliyiinta iyo shacabka reer somaliland ku daydaan xildhibaan Cali oo ciidankooda waxay ku tari karaan gudo iyo dibadba lagarab istaagan. Gaadhigan waxaannu u samayn doonaa astaanta gaadiidka bilayska,”ayuu yidhi Taliyaha Boolisku.

Wax kale oo halkaasi ka hadlay Maayarka Degmada Qoryaale Mr. Jaamac Bile Muuse oo isagu si weyn ugu mahad naqay xildhbaan Cali Mareexaan, waxaannu sheegay in degmadoodu tahay degaan ballaadhan oo 45 tuulo hoos yimadaan, baahi weyna u qabtay gaadhigan, isaga oo xusay inay wada isticmalaayeen gaadhiga maamulka degmada.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *