Search

Xildhibaan Dheeg Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Boob Hanti, Wareejinta Dekedda Berbera Iyo Dhulka Madaarka Hargeysa

Hargeysa (Foore) – Xildhibaan Maxamed Maxamuud Dheeg oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland ayaa dhaliilo culus u soo jeediyay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Isagoo ku sifeeyay Dawladii ugu horeeysay ee Qabyaalad dalka ku soo dabaasha,waxa kale oo uu ka hadlay Dhulka lagu muransan yahay ee Garoonka Diyaaradaha Hargeysa oo uu ku sheegay in dad danyar ah laga qaaday,beena loo sheegay,waxa uu sidoo kale ka digay arimaha ka taagan Dekeda Berbera inaan la dhayalsan.
Xildhibaanka oo shalay Warbaahinta kula hadlay Huteel Dalxiisa ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan“ Waxaan maanta idiinku yeedhay Tafsiirkii Nin-weyn oo diday, dee waxa uu ka diday waa in uu Dadka u sheegaa, in uu iska aamusa uun maaha,markaas waxay ila noqotay in aan cadeeyo waxa aan kasoo booday.In badan baanu kusoo tacabnay Somaliland,Madaxweyna-yaashii iskaga danbeeyay Somaliland mid walba waan lasoo shaqeeyay,wali mid aan ka booday oo aan hayn kari waayay sida uu u shaqaynayo tan baa jirta.Hadaad la taliso oo la taliso oo waxba lagaa maqli waayo,dee waa inaad in lagu diiday sheegtaa.Waxa weeye Somaliland geedi bay ahayd,waxay u geedi ahayd inay gurri barwaaqo oo nabad ah degto,oo gurri ay Ictiraaf ku sugto ay degto,waxaan u arkay in aanu degnay Degalkii ay Qabyaaladdu yuururtay.ILAAHAY naga saran waanu leenahay.waxaan is idhi markaas noocaas dadka haw qarinin,hana ku dhex jirin oo uga bax intaanay kuugu dumin”.
Xildhibaan Dheeg Oo Ka Hadlaya Dhulka Madaarka Hargeysa ee murankiisu soo noqnoqday ayaa waxa uu yidhi“Halkan waxa ka samaysan Madaar Somaliland oo dhammi leedahay oo Caasimadda ku yaalla,Madaarkaas waxa la keenay Niman Tijaar ah oo reer Kuwait ah oo yidhi waanu idiin samaynaynaa.Madaarka dhul lagu kordhinayo oo dherar iyo balac iskugu jira uu u baahnaa,intaba inuu dad degan yahay ayaa loo sheegay,may odhan dadka noo booba,waxa lagula heshiiyay in dhulkaas Dadka loo badalayo,isla markaasna Madaarka loo iibinayo,waana loo iibiyay Lacagtiina waa laga soo qaaday Dawladda Kuwayt.Dadkii waxa loo sameeyay koox Deegaanka ah oo u cago-juglaysa oo tidhaahda;dhulka idiinkaa leh,shaqaalahu idinkay noqonayaan,waa Madaarkiinii ee bixiya,badna Xoog baa lagaga qaaday,badhna waxa loo balan qaaday in Lacagtii la siinayo,Lacagtaasna Jeebkaa lagu shubtay hal Cent laga siin dadkii”.
Sidoo kale Waxa uu yidhi isagoo ka hadlaya arinta Maddaarka“Dadkaasi waa agoon,waa Masaakiin,waa Odayaal,Ingiriiskii oon iman halkaas oo Diyaarad-ba lahayn,ayay degeen meesha,dadkiina sidii ayay u taagan yihiin,waxaana la damcay sida loo leeyahay Dawladdaad ku leedihiin,inay meeshaba ka baxaan oo Dawladd kale timaado oo la yidhaahdo maxaad sheegaysaan.Dadkii Lacagta cunay wey calaamad-sanyihiin,wey muuqdaan,wey naax-naaxeen,wey ka buur-buuran yihiin dadka ama Wasiir ha ahaado ama shicib ha ahaado, ama agaasime ha ahaado intii halkaas lacagtaas ku cuntay wey muuqataa.Dadkii sidiibay u faro madhan yihiin Dhulkii Booliga ahaana waataas Diyaaraddu ka kacaysa ee Dadka laga qaadayo.waxaan soo tiriyay Shaqaalaha meesha 1010 (Boqol iyo Toban) qof ayaa waa reerka Habar-jeclo la yidhaahdo.Shan meeloodbaa Madaarka looga taliyaa,afar bay ka madax-yihiin,waana Booliska,Baanka,Baratakoolka,Nabad-galyadda ,VIP-da.waa Maareeye Ku-xigeenka.intaasba iyagaa leh”.
Waxa uu ka digay Qabyaalada oo ku sheegay inay Xukuumadda Siilaanyo naaxisay oo ay meel xun marayso waxaana uu yidhi “Dadkii la-lahaa shaqaalaha idinkaa noqonaya Boqolkiiba waa hal 1%.Waxaan leeyahay Dadkiisi waxiisii Aduunkana wey ku doonayaan,aakhirina ILAAHAY ka lumin maayo oo luxudka ayay idiin Fadhiyaan,Maanta waxa uu Boobka Hantida Umadda iyo Qabyaaladu maraysaa in meeshii wale ee Shilin kasoo baxayaba Reer qudha la siiyo.In Shirkaddo cusub waagii baryaba la sameeyo.Imika waxa la yidhi Shirkaddo ayaa la siiyay Haamihii Shidaalka,shirkaddaas waxa ku jira qaar cusub oo raggaasi leeyahay oo aynaan waligoodba hore u maqal oo imika la sameeyay”. Ayuu hadalkiisa ku soo koobay Xildhibaan Dheeg.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *