BREAKING NEWS
Search
wuxuu sidaa ku sheegay shir jaraa'id oo uu hargaysa ku qabtay isaga iyo..........

Xildhibaan Cali Aareeye Oo Wasiir Duur Ku Eedeeyay Dhibaatada Saylac Ka Taagan

wuxuu sidaa ku sheegay shir jaraa'id oo uu hargaysa ku qabtay isaga iyo..........Hargeysa(Foore)- Xildhibaan Cali Aareeye oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa Ka hadlay Shaqaaqadii ka dhacday Deegaanka Saylac waxaanu wasiirka Arrimaha Gudaha ku Eedeyey in uu ka danbeeyey dhibaatadii halkaasi ka dhacday oo uu isku Diray dadka deegaankaasi.

Waxaanu sidaasi ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaaladda hargeysa, Isagoo dhinaca kale madaxweynaha Somaliland ugu baaqay in uu Hoos u eego Arrimaha Saylac ka taagan.

Ugu Horeyn isaga oo arrimahaasi ka hadlaya wax uu yidhi “Anaga oo Muddo Farro badan eegeynay in wax laga qabto Arrintan ka dhacday Doorashadii Golaha Deeganka ee Saylac iyo Lug-haya ee Sida nacasnimada ah loo boobay wixii aanu xaqa u lahayn dabadeedna aanu nidhi maxaynu yeelnaa, markii aanu muddo fadhinay ee aanaan haynin sanaaduuqdii Cod-bixinta, waxaanu nidhi Somaliland lexejeclo ayaanu ka qabnaaye dad dagaalami kara waanu nahaye aynu tagno hargeysa oo ah halka Dawladu joogtay ee caqliguna joogo, waanu nimid 22cisho ayaanu dawlada, salaadiinta iyo dadkii wax garanayey la joognay, si fiican ayaa naloo soo dhaweeyey, inkastoo suldaankii madaxda u ahaa dadkii na soo dhaweeyey uu ahaa Suldaanka Habar-awal, hadana dawladuna way na qaabishay.”

Isagoo sii wata hadalakiisa waxa uu sheegay in Wasiirka Arrimaha Gudaha oo loo diray in uu soo xaliyo Khilaafka Saylac uu isagii uu Colaadii meesha taalay sii Huriyey “Hawshii Gobolka Salal Waxa loo magacaabay wasiir Duur, oo anigu aan u aqaano wasiir ka darre, meeshii uu galaba wuu baabi’iyaa , isagiibaa tagay saylac oo waanu ka dabbo tagnay, markii aanu saylac gaadhnay waxa uu af-buuxa nagu yidhi ‘wax kale idiinma hayee maayir ku-xigeen qaata’, anaguna waxaanu ugu jawaabnay ‘ma qaadanayno’, kadibna wasiirka arrimaha Guduhu wuxuu igu yidhi ‘armaad Meesha aad Ciise gaadhsiiso ka soo celin weydaa’, aniguna waxaan ku idhi ‘Ciise Xaqiisa ayuu doonayaa sidii shallayba SNM xaqeeda u doonaysay iyadu way dagaalamaysay lakiin anagu nabad ayaanu rabnaa, SNM-na waanu ka mid ahayn oo raggii halganka qaybta laxaadka leh ka qaataanu nahay, ma fileyn marnaba in sidaasi naloo farbidixeynayo’, kadiban Tobankii Xildhibaan ee Saylac iyo Lug-haya ayaa is casilay markii dhana loo waddi waayey, garaadkooda ayey isku casileen xaqna way u lahaayeen, Ciisena wuu isku raacay ”Ayuu yidhi Cali Aareye.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *