“Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde Waxaan Isku Kaashan Doona Sidii Xisbiga Waddani Guul U Gaadhi Lahaa “.. Siyaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan

Hargeysa (Foore):- Siyaasi Xiri Cali Xaaji Xassan wasiirkii hore ee wasaarada madaxtooyada Somaliland oo hada ka mid ah saraakiisha ugu sar sareysa xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxaa uu ka hadley gudoomiyaha xisbiga Waddani oo loo comaamadey in uu noqdo xildhibaan Cabdiqaadir Jirde

Muddane Xirsi waxaa uu sheegay in xildhibaan Cabdiqaadir Jirde ay isku kaashan doonan sidii xisbiga Waddani guul u gaadhi laha isla markaana ay gacmaha qaban doonaan garbahana ay ka gali doonan Muddane Ciro sidii uu madaxweynaha dhaw u noqon lahaa waxaana uu yidhi

” Waxaan idiin balan qaadeynaa aniga iyo Cabdiqaadir Jirde in aanu gacmaha qaban doono hareeraha na ka gali doono musharaxa mustaqbalka ee madaxweynaha dhaw noqon doona Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ” ayuu yidhi Siyaasi Xirsi Cali Xaaji Xassan

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan:




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *