Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde Oo Ku Dhaartay In Isaga Iyo Labeenta Xisbigaasi Ku Soo Biirtay Ay Gudd. Cirro Kula Guntan Doonaan Oo Ay Saadaasha Guushu Si Cad Ugu Muuqato

Xildhi Jirde Oo Cabdiraxmaan Cirro Kula Kaftamay Inay Taariikh Noqon Doonto Somaliland Oo Markii Koowaad Nin Dhukurani Madax Ka Noqday

Hargeysa (Foore) – Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde ayaa shalay Khudbadii uu ka jeediyay Xafladii soo dhawaynta ahayd ee ay Reerkoodu u qabteen waxa uu ka sheegay in isaga iyo Siyaasiyiinta Culus ee Dhawaan Xisbiga WADDANI ku biiray ay Cabdiraxmaan Cirro saari karaan Kursiga ugu sareeye Dalka ee Madaxtinimada,isagoo carabka ku adeeyay in intaasi marka ay iskaashadaan aanay jirin Cid dhaqaajin kartaa oo iska celin kartaa,Marka ay noqoto dhinaca siyaasada iyo ololaha doorashooyinka. Xildhibaan Cabdiqaadir jirde ayaa sidan ka sheegay Xaflad lagu soo dhawaynayay Mansabka laga siiyay Xisbiga WADDANI oo ilyartu isqabatay oo ay shalay beeshiisu ugu qabatay Huteelka Guuleed ee Magaalada Hargeysa. Waxa uu sheegay Cabdiqaadir jirde in Ragga ay ka mid ka yihiin Xirsi Cali Xaaji Xasan,Ismaaciil Hurre Buubaa,Maxamed Biixi Yoonis iyo Ragga la mid ka ah ee dhawaan ku soo biiray Xisbiga WADDANI in marka ay iskaashadaan ay Buur kasta jabin karaan,Islamarkaana ay cadahay inay Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi si dhib yar u saari karaan Kursiga ugu sareeyay Dalka. Xildhibaan Cabdiqadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo aad ugu farxay sida ay Beeshiisu shalay u soo dhawaysay Mansabka Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI ee Gudoomiye Cirro u baneeyay Beesha Degta Gobolka Hawd ayaa sidoo kale weedho Qosol leh ka jeediyay Munaasibadaasi,Waxa uu sheegay inuu arko Rajo Fiican oo Guul ah oo Xisbiga WADDANI dhabadeedii hayo,Waxaanu sheegay inay Taariikhda Somaliland noqonayso markii u horeeyay ee uu Nin Dhukurani Madaxweyne ka noqdo,isagoo farta ku fiiqay Gudoomiye Cirro oo markaa dhexda ugu jiray Labeentii Xisbigaasi ku soo biirtay,Weedhahaasi oo dareen Farxadleh galiyay dadkii hoolka ku sugnaa islamarkaana ku abuuray shucuur gaar ah oo ay mudo kala joojin waayeen Sacabka iyo Mashxarad.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *