BREAKING NEWS
Search

Xildhibaan Bidhi: Bi’i waaye Qur’aanku Cambaareyn Ma Geyo – Qalinka: Cali Cabdi Coomay

Aniga oo tixraacaya muuqaal ku taariikhaysnaa 19/8/2017 oo lagu baahiyey shabakada wararka ee Hadhwanaagnews.com, kuna saabsanaa kulan uu warfidiyeennada kula hadlay Xildhibaan Mubaariga Bidhi oo ka tirsan golaha deegaanka ee Burco, oo uu kaga hadlayey fariin uu u dirayey Agaasime Cabdikariin Xinif. Shirkaa Jaraa’id ee Xildhbaanku qabtay ayaan doonayaa in aan hal meel sixitaan ku sameeyo. Marka hore aan is-baro, xildhibaanka aqoon guud ayaanu isu leenahay, waxa aan u hayaa ixtiraam iyo qadarin.
Ujeedadaydu maaha in aan ka jawaabo muuqaalka xildhibaanka oo dhan, balse waxa aan u socdaan in aan saxo hadal diin ahaan gef weyn ahaa, oo uu xildhibaanku carrabka ku dhuftay, taasi oo ahayd” nasiib darro Xinif oo macalin Qur’aan ahaa, xitaa iskuul muu gelin, oo aan C.V lahayn oo agaasime laga dhigay”. Hadalkan waxa aad ii dhibay erayga “ Macalin Qur’aan” in uu Xildhibaanku eed ka dhigo waa gef weyn oo uu diinta Islaamka meel kaga dhacay. Xadiis saxeex ah ayuu Rasuulku ku yidhi” waxa idiinku khayr badan qofka Qur’aanka barta ee dadkana bara” sida xadiiskaasi inoo sheegayo Qur’aanka qofka barta ee dhigaa waa shayga ugu qaalisan ee lagu faani karo, waana aqoonyahan dhab ah qofkaasi.
Halkaasi ayey xildhibaan diinta islaamku ka taagan tahay, adiguna Xildhibaan warbaahinta ayaad ceeb kaga dhigtay Qur’aanka. Wixii kale ee aad ku saluugtay Xinif ma doonayo in aan ka faalloodo, ujeedadaynu may ahayn in aan ka hadlo, hasa yeeshee gefkan diiniga ah ayaa laabtayda ruxay, markaasaan jeclaystay in aan uga hadlo si naxsteexo ah. Dhawaan aniga oo jooga hudheelka Imperial, ayey koox dhallinyaro ahi ilaaqeen aqoonyahan Jaamac Jiir, waxa aanay ku yidhaaheen waar Jaamac, aqoonyahan ayaad sheegtaa bal noo warran jaamacada aad ka soo baxday? Isamabuu dhibine, wuxuu ugu af-celiyey” Qur’aanka ayaan aqaan, oo aan dhigi jiray”
Hadalaba gam. Oo yaa odhan kara qofka Qur’aanka yaqaanaa maaha aqoonyahan? Cidna. Qoraal aan beri dhaweyd diyaariyey ayaa ku sheegay in siyaasiyiinta Soomaalidu isku caayaan shaqooyinka uu soo qabtay qofka la maagayaa. Shaqadu waa sharaf, waana lagu faanaa ee lagama faano. Kalmadaha ay siyaasiyiinta soomaalidu cay ka dhigaan waxa aynu ka xusu karnaa:
-Basle ayuu ahaa
-Xaaska Madaxweynaha ayey dharka u soo iibin jirtay
-Xabxab ayuu ku iibin jiray
-Dabaakh ayuu ka ahaa Ingiriiska
-Rayiisle ayuu haysan jiray
-Wuxuu ahaa askari
-Xeriyihii qoxoontiga ayuu ku soo koray
-Aabihii ayaa biyoole ahaa
-Farsamaqayaan talaajadaha sameeya ayuu ahaa
-Bakhaar daqiiqda lagu keydiyo ayuu iibiye ka ahaa
-Malcaamad ayuu ku haystay meel heblaayo
-Ededii ayaa tababar noogu keentay
-Markaan jaamacad dhigan jiray ayuu shaaha naga iibin jiray
-Baabuur jaadle ah ayuu dirawal ka ahaa
-Madarasad ayaan ka soo kaxeeyey
-Koontarabaanka ayuu ka ganacsan jiray
-Iskuul ayuu waashmaan ka ahaa
-Shalay ayuu furinka naga iibin jiray
-Deyrka wasaaradda ayuu jaad ku iibin jiray
-Xamaaliintii dekeda muqdisho ayuu ahaa
-Ingiriiska ayuu mefrish qaad ku lahaa
-Hudheel Nayroobi ku yaala ayuu khasnaji ka ahaa
-Jaamac-harakoole ayaa la odhan jiray
-Car wash ayuu Hayadaasi u ahaa
-Caanoole ayuu ahaa
-Waa xoolo-dhaqato
-Dalaayadaha ayuu kirayn jiray
Shirkad dharka dumarka samaysa ayuu ka shaqayn jiray
-Goob dadka da’da ah lagu xannaaneeyo ayuu dharka u maydhi jiray
-Suuliyada Maraykanka ayuu nadiifin jiray
-Faras magaalaha ayuu gallay ku Karin jiray
-Macmacaanle ayuu iibin jiray
Isaga oo beer qoto ayaa naloo keenay
-Cadayle ayuu ahaan jiray
-Hudheel Kanada ku yaalla ayuu masaxi jiray
-Gacan-yare ayuu ii ahaan jiray
-Furaha Bakhaarada madaxtooyada ayuu hayn jiray
-Madaxweynaha ayuu dabaakh u ahaa
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan, Calicoomay@hotmail.com




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *