BREAKING NEWS
Search

Xildhibaan Aadan Shire Farax (Aadan San-weyne) Oo Daad ku qaaday Hargeysa Iyo Berbera Dhexdoda.

Hargeysa(foore) Xildhibaan Aadan Shire Faarax (Aadan San-weyne) oo ka tirsanaa Mudanayasha Golaha Guurtida ayaa lagu soo waramaya inuu goor dhaweyd Daad ku qaaday Dooxyada u dhaxeeya Hargeysa iyo Berbera isagoo u safrayay dhinaca Burco.
Ilaa hada lama hayo Maydka Marxuumka.waxa ka badbaaday gaadhigii uu saarnaa oo ahaa kii wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada laba qof oo la socday.
Waxa la bilaabay Gurmad lagu baadi doonayo Maydka Xildhibaan Aadan Sanweyne Alla ha u naxariistee. Aadan Sanweyne waxa uu ka mid ahaa Xildhibaanada ugu miisaan cuslaa Golaha Guurtida isla markaana waxa uu ahaa dadka fara ku tiriska ah ee kaga hadhsanaa Waayo aragii Golahaas lagu yaqaanay ee Somaliland kala soo dabaashay marxaladihii adkaa ee ay soo martay.

dhinaca kale warar aan la hubin oo soo gaadhaya shabaga foorenews ayaa sheegaya in lahelay maydka marxuumka lagana helay meel aan ka fogayn meesha uu daadku ka qaaday gaadhigii uu saarnaa.
Allah ha u naxariisto marxuumka ayaan leenahay hadaan nahay wariyaasha wargeyska foore iyo shabagadaba.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *