BREAKING NEWS
Search

Xidhiidhiyaha Mashruuca Xoolaha Ee Hay’adda FAO Ee Somaliland Oo Caadaystay In Uu Muwaadiniinta Iska Hortaago Fursadaha Shaqo

Hargeysa (Foore)- Hay’adda qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada iyo beeraha ee FAO gaar ahaan xafiiskeeda Hargeysa ayaa gabi ahaanba go’aan ku gaadhay in aanay shaqaalaysiin muwaadiniinta u dhashay Somaliland ee buuxin kara fursadaha shaqo ee ka bannaanaada xafiiskeeda Hargeysa. Dhawaan ayay ahayd markii xafiiska FAO ee Hargeysa diiday in uu fursado shaqo siiyo muwaadiniin soo dalbaday fursado shaqo oo ay shaaciyeen oo looga baahnaa xarunta ay hay’adaasi ku leedahay Somaliland. Warar Xog ogaal ah oo arrintaasi la xidhiidha oo Foore helay ayaa sheegaya in masuulka Hay’adda FAO ee xidhiidhiyaha mashruuca xoolaha ee Somaliland iyo Somaliya Massimo Castiello oo ah nin Talyaani ahi is hor taagay muwaadiniin soo xeraystay in ay boosas shaqo u tartamaan, taasi oo aan ahayn markii ugu horraysay ee uu masuulkani sidan sameeyo balse ay siyaasaddiisaba tahay in aanu wax tix gelin ah siin muwaadiniinta fursadaha shaqo uga tartama Hay’addaasi.

 

Horraantii bishii September ayay ahayd markii Hay’addani qaar ka mid ah warbaahinta Kenya ku baahisay fursad shaqo oo ka bannaan xafiiska Hay’addaasi ku leedahay Somaliland oo ay doonaysay in ay soo dalbadaan dad aan Somaliland u dhalan taasi oo si toos ah uga hor imanaysa shuruucda iyo xeerarka dalkeena.

 

Inkasta oo boosaska ay baahisay Hay’adda FAO iyo shuruudaha ku xidhanba ay buuxin karaan in badan oo muwaadiniin reer Somaliland ahi hadana hay’addaasi gaar ahaan Massimo Castiello waxa ay si badheedh ah u diideen in aanay boosaskaasi u qaadan wax shaqaale ah oo ka soo jeeda Somaliland. Wasaaradda qorshaynta qaranka, xanaanada xoolaha iyo qoyska iyo arrimaha bulshada ayay waajib toos ah ku tahay in ay hay’addan iyo masuulkeeda tallaabo sharciga waafaqsan ah ka qaadaan maadaama Massimo Castiello iyo kooxdiisu si badheedh ah ugu tunteen xeerarka u yaalla nidaamka shaqo ee dalka iyo sidii ay baadhis ugu samayn lahaayeen arrintaasi oo in badan ay qaar ka mid ah bulshadu muddo badan ka cabanayeen.

 

Wasaaradda Xanaanada xoolaha waxa ay hay’addan ka wada shaqeeyaan mashruuca xoolaha iyo daryeelkooda, halka Wasaaradda qorshayntu ka tahay mid iyana xukuumadda u qaabilsan xidhiidhka hay’adaha sama falka. Wasaaradda Qoyska iyo arrimaha bulshada oo ah tan qaranka uga masuulka ah shaqaalaynta iyo xuquuqda shaqaale ee dalka oo muddooyinkan dambe ku hawlanayd sidii ay cabashooyinka noocan oo kale ah wax uga qaban lahaayaan ayaa iyagana looga fadhiyaa in ay daba gal ku sameeyaan xafiiska FAO ee Somaliland iyo Massimo Castiello oo ah masuulka isagu caadaystay in uu si toos ah isu hor taago muwaadiniinta fursadaha shaqo ka heli lahaa hay’addiisa.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *