Search

Xasan Guure Oo Ka Hadlay Loolanka Kulmiye Iyo Weerarkii Badhasaabka Awdal

Hargeysa (Foore) Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Somaliland Xasan Guure Jaamac, ayaa ka hadlay loolanka musharaxnimo ee loogu jiro Xisbiga Kulmiye, waxa uu tilmaamay inay khalad tahay in Madaxweynaha oo ilaa hadda caddeyn inuu tanaasulay in haddana Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga ay ku dhawaaqaan Musharaxnimadooda.
Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Somaliland Xasan Guure Jaamac, oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale ka hadlay weerarkii ka dhacay Boorama gaar ahaan Guriga Badhasaabka Gobolkaas, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Jahaweerar ayaa ku jira in Madaxweynuhu Musharax yahay iyo in aanu ahayn, hore wuu u sheegay inuu musharax yahay, ilaa haddana lagama hayo inuu tanaasulay, wax aad loola yaabana wey ahayd in Madaxweynaha oo wali tanaasulin inay is barbar yaacaan Wasiiro iyo Rag kale, sheegaana inay Musharax Madaxweyne oo Xisbiga Kulmiye ah yihiin, sida aniga ila tahay Madaxweynaha ayaa Musharax ah, maxa yeelay Musharixiintani kuma heshiinayaan, aadna wey u adag tahay inay isku tanaasulan, balse dhammaantood waa ka wada raali inuu Madaxweynuhu Musharax noqdo”.
Xasan Guure Jaamac ayaa mar uu ka hadlaayey weerarkii Boorama ka dhacay ayaa yidhi “Waxa aan tacsi u dirayaa Askarti geeriyootay, waxaana ILLAAHAY uga baryayaa inuu janadii ka waraabiyo, waxa nasiib daro ah Guriga Badhasaabka Gobolka Awdal oo ku yaala badhtamaha Boorama ayaa la weeraray, iyada oo Ciidankii joogo, waxa nasiib daro ah in dad maamus mudan iyo dad masaakiin ah la xidho, markii la qaban kari waayey dadkii dhibka geystay, waxa run ah in dadka reer Awdal yihiin dad daacad ah, dad dalkooda jecel, dad nabada jecel, dad wanaaga jecel, dad dhibta neceb, in la xidho qof aan dambi geysana khalad ayaan u arkaa, waxa run ah in SNM, haddii aanu la dagaalamin Siyaad Barre, isla markaana caadaadin dadkii masaakinta ahaa ee gudaha joogay, oo uu iska dayn lahaa in aynaan ka adkaanayn, balse markii uu cadaadiskaa iyo jidh dilka aynu aragnay baynu xoogaysanay, isla markaana aynu la dagaalanay, kana adkaanay, marka dadka masaakinta ah ee l xidhay ee aan wax galafsan in la soo daayo weeye.
Maalin ayey Xukuumadda inay hawshan wax ka qabato, maalintaasina waxa ay ahayd maalintii ay Madaxweynaha Odayaasha reer Awdal tabashada u soo gudbiyeen, waxa la yidhi tabashada wax baa laga qabanayaa, balse wax alaale wax laga qabtay may jirin, aniguna maalintaas waan ka hadlay, waxa kale oo aan leeyahay masuuliyiinta xilalka ka haya Xukuumadda ee Beeshaas ka soo jeeda ha dayaan dhibka, oo dadkooda dacaayada ha ka dayaan”
b8ed203d41fab0888d760838cb664e1a_L




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *