BREAKING NEWS
Search

Xasan Gaafaadhi Oo Qiray Guulaha Muuqda Ee Uu Hantiyay Garabkii Ka Goostay KULMIYE, Xirsina Ku Majeertay Siyaasi Saamayn Leh, WADDANI Ku Sheegay Xisbi Laga Wada Muuqdo

‘Waxaan U Mahad-naqayaan Ciidankii Isbahaysiga KULMIYE Ee Soo Galay Waddani, Waxaan Dareensanahay In Waddani Maanta Dhidibadiisii Somaliland Isu-Dhamaystiray

Hargeysa (Foore) – Afhayeenka Xisbi Xaakimka Kulmiye Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi),oo Shalay ka qayb galay Furitaanka Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Mucaaridka ah WADDANI ayaa uga hadlay si kaduwan sidii ay dhawaan uga hadleen Masuuliyiinta Xisbigiisu, Isbahaysgii ka Goostay,Waxa uu soo dhaweeyay Guulaha muuqda ee Xisbiga WADDANI Ku Socdo,Waxa kale oo uu qiray Kartida iyo Firfircoonida Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan,Isagoo ku hambalyeeyay Booska uu Xisbiga WADDANI u Cumaamaday.
Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Xasan Gaafaadhi ayaa weedho farxad galiyay Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI ka Jeediyay Munaasibadii Shalay,Waxa uu hambalyeeyay Haldoorkii Xisbigiisa ka soo goostey,isagoo Wasiirkii Hore ee Madaxtooyada Md Xirsi ku tilmaamay shaqsi mudan in loo bogaadiyo,Waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay in Xisbiga WADDANI hadda uun uu qaan gaadhay,Islamarkaana uu isku dhamaystiray dhamaan Gobolada Dalka, waxaana hadaliiisa ka mid ahaa“Waxaan u mahadnaqayaan Ciidankii isbahaysiga ee Xisbiga KUlMIYE ee ku soo biiray Xisbiga WADDANI,Waxaan dareensanahay in Xisbigii WADDANI Maanta Dhidibadiisii Somaliland isu-Dhamaystirsan yahay,Anaguna Aad ayaanu u hambalyaynaynaa,Ciidankii ka horeeyay ee uu Hogaaminayay Ismaaciil Buubaa Iyagana Aad ayaan u hambalyaynayaa,Waxaanan idin leeyahay Tolkii jira ahaada,Gudoomiye Cirro ayaan la kaftamayaaye,Waxaan islahaa,Shirkuna dib ayuu uga dhacayaa,isaguna Waa nin Deeqsi ahe,Musharaxnimada Biluu Bixiyaa”.
Waxa Kale oo uu yidhi isagoo Md Xirsi Hambalyaynaya“Waxaan sidoo kale Hambalyaynayaa Xirsi Cali Xaaji Xassan,Waxa uu nasiib u leeyahay Xilal aan lagaranayn inuu kolba la Yimaado,Laakiin Waxaan hubaa,haddii uu Madaxa Meel lahelo inuu Isagu banaysanayo,Xisbiga WADDANI waa Xisbiga keli ah ee ka soo hadhay Ururadii Axsaabta Ku Tartamaysay,Waa Xisbi uu hogaaminayay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda,oo Dawlada ka mid ah,Xisbiga WADDANI,Anaga waxa uu noogu xisaabsan yahay Guulihii Xukuumadda Kulmiye,oo uu ka mid yahay,Taana waad la socon doontaan,Waxaanu jecelnahay inay Doorashadu Wakhtigeeda dhacdo,Waananu garanaynaynaa hadii ay dib u dhacdo inay Anaga nusqaani noogu jirto,Idinkuna waxaad jeceshihiin inay Doorashdu dib u dhacdo oo faliidh badani naga soo duul duulo”.
Sikastaba hanoqotee,Waxa muuqata inaanay Masuuliyiinta Sare ee Xisbi Xaakimka KULMIYE ka wada socon qaabka ay ugu jawaabayaan Axsaabta Tartanku ka dhexeeyo islamarkaana uu mid waliba Goonidiisa iyo Fikirkiisa gaarka ah ku cabirayo. Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi oo dhawaan ka hadlay garabkii isbadel doonka Kulmiye ee ku biiray WADDANI ayaa waxa uu si adag u naqdiyay Waayo aragnimada Siyaasadeed ee Masuuliyiintiisa lahaayeen,Waxa kale oo sidaasi oo kale uga hadlay Gudoomiye Xigeenka koowaad ee KULMIYE Maxamed Kaahin, waxaana soo baxaya in Kulmiye hadda galay Xaalad isku dhex daadsan oo aanay isla jaanqaadayn hogaankiisu, marka loo eego qaabka kala duwan ee ay uga hadleen Isbahaysigii ka goostay ee xoojiyay WADDANI.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *