BREAKING NEWS
Search

Xarshin: Afar Qof Oo Ku Dhintay Weerar Ciidanka Liyuu Boolisku Ku Qaadeen Dad Rayid Ah

Xarshin (Foore)- Ciidanka Liyuu Booliska deegaanka Soomaalida Itoobiya oo watay toban baabuur oo Tikniko ah ayaa shalay weeraray Tuullada Cilmi Xirsi oo Koonfur-galbeed ka xigta degmada Xarshin, waxaana rasaas ay ku fureen dadweynaha deegaankaasi ku geeriyooday 4 qof oo rayid ah oo iskugu jiray nin iyo sadex dumar ah.

Sidaasna waxa shabakada Somaliland.Org u xaqiijiyay Oday Cali Maxamed Aadan oo ka mid ah waxgaradka deegaankaasi. Lamina garanayo sababta ciidankaasi laba todobaad oo isku xiga ay u weerarayaan dadka rayidka ah deegaanka Xarshin.

“Ciidankan oo watay 10 Baabuur oo tikniko ahi waxay ka yimaadeen bariga fog ee Itoobiya, waxaanay tuuladan markii ay marayeen ay rasaaseeyeen shacbigii, waxaana ku dhintay afar qof oo ka mid ahaa dadka tuuladaasi ka ganacsanayay,”ayuu yidhi Oday Cali Maxamed Aadan.

Oday Cali waxa kale oo uu tilmaamay inay dadka deegaankaasina ay is abaabuleen oo ay ka jawaabeen oo ay difaac ka galeen deegaankaasi.

“Weerarkaasi ka dib waxa dadka deegaanku ay bilaabeen inay iska difaacaan ciidankan soo weeraray, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo aan wali khasaarihiisa la cadayn Karin. Kaasi oo ku fiday deegaamada hoos yimaada tuulada xarshin,”ayuu yidhi Oday Cali oo ka mid ah duqayda tuuladaasi.

Warku waxa uu intaasi ku darayaa in dagaalkaasi illaa galabta ka socdo halkaasi. Iyadoo aan illaa imika la garanaynin asbaabaha ciidanka Liyuu Boolisku ay u weerareen dadweynaha deegaanka Xarshin oo ay todobaadkii horena dad ku dileen.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *