BREAKING NEWS
Search

“Xaglotoosiye, Kijaandhe, Maxamed Biixi, Iyo Samaale, Karaamadooda Sidan Ayaa U Sharaf Badnayd, Muuse Biixina Wuu Aqbali Doonaa Guul-dardda Ku Soo Fool Leh”…. Xamarji

Hargeysa-(FOORE)- Axmed Xaaji. Cumar Cabdillaahi (Xamarji), oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee WADANI, ayaa siyaabo kala duwan u naqdiyay sida uu arko qaabkii uu u dhacay shirweynihii shannaad ee golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE.
Axmed Xaaji. Cumar Cabdillaahi (Xamarji), waxa arrimahan kaga hadlay isaga oo jooga Hargeysa, mar uu caawa khadka telefoonka kula soo xidhiidhay xafiiska wararka ee shabakadda caalamiga ah ee Hadhwanaagnews, ee Hargeysa, waxaanu hadalkisa ku bilaabay oo uu yidhi,

”Run ahaantii, foolxumo ayay ahayd wixii ka dhacay shirkii golaha dhexe ee Kulmiye, ee Hargeysa ka dhacay, waxaan tacsiyadaynayaa dhammaam musharixiintii miisaanka iyo meeqaamka sare lahayd ee haystay aqabiyada golaha dhexe, ee laga xakameeyay in ay soo galaan, waxaan xusid mudan oo aan halkan ka tacsiyaynayaa sidii dimoqraadiyada ka baxsanayd ee loola dhaqmay qofnimada iyo musharxnimada Xaglotoosiye, waxa nasiib darro ah ninka maanta doonaya in uu madaxweyne qaran noqdo ee aynu arkayno sida uu ula macaamilay 400-ta boqol ee qof, Odaynimada iyo cumaamadii Muuse Biixi, waxay ku fiicnayd waayelnimo, oo hal codna ha ku hela ee in uu si kalsooni leh meesha u dhex fadhiisto, Saylici, haduu jecel yahayna, uu sidaas oo kale oo nadiif ah uu yeelo”

”Asalkaba doorashadu waxay leedahay nidaam isku mid ah, Musharaxii Madaxweynaha ee Kulmiyana far baa loo tiray, musharaxii Madaxweyne ku xigeenkana kartoon baa loogu guray, waana nasiib darro weyn oo dhacday nidaamka doorashooyinkana meelna kagama jiraan waana nasiib darro weyn oo dhacday, waxaan leeyahay musharaxiinta Saleebaan Xaglotoosiye, Axmed Kijaandhe, Maxamed Biixi, Iyo Cabdicasiis Samaale, karaamadooda sidan ayaa u sharaf badnayd. Waxa aan halkan ku xusayaa oo aan marnaba la hilmaami karin geesinimadii taariikhiga ahayd ee uu dhigay Wasiir Cabdilaahi Cukuse, ee uu sida cad ugu badheedhay isaga oo aan cidna u habranayn in uu Madaxweynaha, iyo Musharaxiintii, iyo golihii dhexe oo fadhiya uu u dhiibtay codaynta diidmada badheedhihiisa. Dhinaca kale, waxaan ku xamdi naqayaa isha Allahu, in saaxadda la isugu imman doono, isaga oo musharaxnimada Madaxtimada u tartamaya Muuse Biixi, iyo Saylixi, iyo musharaxiinta kale uu tartamaya xisbiyadda mucaaridka, Muuse Biixi, waxaan ku guubaabinayaa in uu Isha Allahu tacaalaa, aqbali doono guul daradda ku soo fool leh oo uu adkaysan doono,” ayuu yidhi, Axmed Xaaji. Cumar Cabdillaahi (Xamarji).




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *