Xaglo Toosiye oo Gaashaanka ku dhuftay shirkii Taleex eedo kululna u jeediyay Galaydh

Buuhoodle (Foore)- Hoggaamiyihii Kooxdii nabad diidka ahayd ee SSC Saleebaan Xaglo-toosiye, ayaa maanta markii u horeysay gaashaanka ku dhuftay shirkii Taleex, waxaanu sheegay inay koox yari majaro habaabisay shirka.

Xaglo toosiye oo naqdiyay shirkii Taleex wuxuu yidhi “Shirkani wuxuu ahaa shir qabiil oo beesha Dhulbahante iskugu timid, runtiina aad baan uga xumahay oo lama qaadan ujeedooyinkii iyo danihii ka turjumayay danaha beesha Dhulbahante. Dadku waxay doonayeen, waxa diiday shakhsiyaad gaar ah abuurayna Goleyaal iyo Guddiyo oo koox tiro yar ayaa shirkii afduubtay oo diiday tallo soo jeedintii isimadda oo meesha fadhiistay waxna iska doortay.”

Waxa kale oo uu eedo kulul u jeediyay Cali Khaliif Galaydh waxaanu yidhi “Shakhsiyaadkaasi oo Cali Khaliif ka mid yahay ayaa majaro habaabiyay meeshana doorasho kamay dhicin dadkana waxba lama weydiin, markaa shacbiga waxaan ugu baaqaynaa inaanay ku niyad jabin waxa meesha ka dhacay ee waa inay iskugu yimaadaan shir dambe oo turxaan-bixin ah oo ka turjumaya masiirkooda iyo aayahooda.”

“Runtii meesha waan tagay markii horena waan joogay xaqiiqdiina in gaar ah ayaa keenay wax ay iyagu wataan, markaa afduub aad u fool xun ayaa meesha ka dhacay, waanan ka raaligelinayaa shacbiga khaladkaasi laga galay,”ayuu yidhi xaglo-toosiye.

Waxa kale oo uu baaq u jeediyay xukuumadda Somaliland waxaanu yidhi “Dawlada Somaliland waxaan ugu baaqayaa inay nabad-gelyada dhawraan oo ay khasaarihii (Buuhoodle) ay ka geysteenna ay mag-dhow deg deg ah ka bixiyaan, colaadi waxba ma soo kordhiso waxay ku yeesho mooyaane’e, meesha ciidamo ayaa is dul fadhiya ciidamadaasi waa in meelihii ay ka yimaadeen lagu celiyaa. Xabadi wax bay dishaa ee waxba ma noolayso. Shacbiga reer Buuhoodle waxaan u soo jeedinayaa inay is xakameeyaan oo ay nabad-gelyadooda ilaashadaan.”

“SSC way ka weyn tahay in ay qaado Geed barde ah hoostiisa fadhidaa. Waxa muhiim ah wax kasta oo ummaddi ku heshiinayso inay marto wadada saxda ah. Waxa la raacay waddo khalad ah, waxaanu yeeli doonaa inaanu ummadda dib u abaabulo oo aanu qabano shir turxaan bixin ah,”ayuu yidhi Saleebaan Xaglo Toosiye oo maanta u waramayay laanta Afsoomaaliga ee BBC-da.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *